Somaliland iyo Itoobiya oo Wada Gelaya Heshiis Dhinaca Gaadiidka ah

0
287

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cisamaan, ayaa sheegay in Somaliland iyo dawladda Itoobiya ay dhawaan kala saxeexan doonaan heshiis khuseeya arrimaha gaadiidka .

Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa sidan ka sheegay kormeer shaqo oo uu shalay ku soo maray xafiiska wasaarada gaadiidka ee magaalada Burco, waxaanu tilmaamay in ay xoojin doonaan iskaashatooyinka gaadiidka. Isla markaana xukuumadda Somaliland ay wax weyn ka qaban doonto waddooyinka dalka.

Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aannu doonaynaa in aanu xoojino iskaashatooyinka gaadiidlayda oo ay yeeshaan nidaam wax wada lahaansho ah, nidaamkaas oo aad moodo in uu aad inooga yara dib dhacsanyahay.

Waxaa jira waddamo badan oo jaar inala ah oo u baahan in aynu u adeegno, waxaana jiri doona heshiis ay wada gali doonaan Itoobiya iyo Somaliland oo xagga gaadiidka khuseeya”.

Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay wax weyn ka qaban doonto shuruucda waddooyinka dalka. Waxaana uu yidhi “Wixii waajib ah ee qaranka ka saran in ay wax ka qabato jidadka, dawladdu waa u diyaar ee ay ka mid tahay wadooyinka iyo haday noqon lahayd shuruucdooda iyo xaga nabadgalyada, markaa waxa aan baaq u jeedinaynaa iskaashatooyinka gaadiidlayda gobolka Togdheer, aniga oo u soo jeedinaya in ay nala shaqeeyaan oo wixii waajib qaranku ku yeeshayna waa in ay iska soo bixiyaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply