Wasiirka Caddaalada ka Jawaab Hadallo lagu Duray Xukuumadda

0
401

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Farriid), ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo lagu durayay golaha xukuumadda ee uu ka tirsan yahay, eedahaasi oo lagu sheego in ay yihiin wasiirro wada dhallinyaro ah, waxaanu taa bedelkeeda sheegay in golaha wasiirada Somaliland ku dhisan yihiin qaaciido laga dheehan karo mustaqbalka Somaliland.

Wasiir Cabdiqani Fariid, waxa uu sheegay in golaha wasiirrada Somaliland ay isugu jiraan wasiirro hore oo ruug caddaa ah, wasiirro dhexe oo muddo soo shaqeeyay iyo wasiirro dhallinyaro ah oo saaxadda siyaasadda Somaliland ku soo biiray oo ah jiil cusub oo mustaqbalkii ummadda ah.

Wasiirka caddaalada Somaliland, waxa uu intaasi raaciyay in aanay dhaliil noqonayn iyo wax la isku maago in madaxweynaha wasiiradu daacad u noqdaan. Waxaanu wasiirku soo qaatay xadiis Nebigeenna suubban (SCW) laga wariyay oo uu kaga hadlay Rasuulkeenu (SCW) taageerada hoggaanka halka ay diintu ka taagan tahay.

Mudane Cabdiqani Fariid isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Horta waxaa la yidhi waa wasiirro yar yar oo madaxweynahooda u daacad ah, markaa taas ayaan ka jawaabayaa. Waxaa jira xadiis Rasuulka laga wariyay (SCW) ayaa odhanaya cidda talada haysaa waa hadhkii ALLE oo kale ciddii xumaysaana ALLENA way xumaysay, ciddii karaamaysaana ALLE ayay karaamaysay.

Markaa in annaga oo wasiirada ah in aanu madaxweynaha adeecno waa shay sax ah anaga oo keliyana maaha cidda xadiisku la hadlayaa, laakiin xataa idinka oo asxaabtii mucaaridka ah iyo muxaafidkaba waa shay diini ah in aynu wada adeecno madaxweynaha.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa ku daray “Golaha wasiirrada waxaan odhan karaa Mmadawxeyne Muuse wuxuu ku dhisay qaaciido laga arki karo mustaqbalka Somaliland.

Golaha wasiirrada waxaa manta wada joogna oo aanu ka wada tirsannahay Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa golihii wasiirrada Somaliland ee ugu horreeyay oo ay aabbahay wasiirro soo wada ahaayeen 1991-kii.

Wasiirro xilligii dhexe soo shaqeeyay iyo wasiirro sidayda dhallinyaro ah oo laga dheehan karo mustaqbalka Somaliland. Waxaan u arkaa guul in aan laga tegin dhallinyaradii oo la yidhi jiilka soo socdana aan cid uga tagno saaxadda ku jirta.” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda caddaalada Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Farriid).

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply