Cisbitaalka Ciidamada Qaranka Somaliland oo Dhismihiisa la Bilaabay

0
488

Hargeysa (Dawan)- Wasiirrada wasaaradda gaashaandhiga, horumarinta maaliyada iyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay cisbitaalka ciidamada oo dhismihiisa si rasmi ah loo bilaabay, kaasi oo noqon doona mid wax weyn ka taraya baahiyaha xaga caafimaad ee ciidamadka qaranka.

Ugu horrayn waxa halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Nuux Ismaacil Taani, waxaanu sharraxaad ka bixiyay baahida caafimaad ee loo qabo in la kor-dhiyo cisbitaalka ciidanka qaranka oo ah mid wax badan ka taraya kor u qaadida xaaladaha caafimaad ee ciidanka qaranka waxaanu xusay in ay ka ciidan ahaan soo dhawaynayaan cisbitaalkan cusub ee la dhagax dhigayo.

Geestiisa waxa isna halkaas ka hadlay Wasiirka horumarinta maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi oo sheegay ka maaliyad ahaan in markasta ay garab taagan yihiin wax kasta oo kor u qaadaya horumarinta ciidamada kala duwan ee qaranku leeyahay waxaanu sheegay in cisbitaalkana ay wax badan ku kordhinayaan gaar ahaan dhismaha iyo balaadhinta oo joogto noqon doonta taasi oo horseed u noqon doonta in laga maarmo cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee lagu daweeyo ciidamada kala duwan.

Gebogebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo sheegay in hamigiisa iyo bilawga qorshihiisa koowaad uu ka mid ahaa sidii loo balaadhin lahaa Cisbitaalka ciidanka Qaranka oo ah mid baahi weyn loo qabo si loo dhawro daryeelka ciidamada, kaasi oo uu si rasmi ah u dhagax dhigay waxaana uu sheegay in uu yahay mid xukuumadu qayb laxaad leh ka qaadan doonto.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply