Maayerka Carrooley oo ka Hadlay Biyo La’aan ka Jirta

0
476

Carroolay (Dawan):-Maayerka degmada Carroolay ee gobolka Xaysimo Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Giir,ayaa ka hadlay xaalad biyo la’aaneed oo kajirta degmada uu maayerka ka yahay iyo guud ahaan gobolka Xaysimo oo uu sheegay in baraagaha biyihii ku jiray in ay ka madheen oo muddoba ay hadda biyo dhaamisku jireen isla markaana degmada riigga ku yaallana aan biyiiisa la cabbi karin.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in colaaddii maamulka Puntland ee Soomaaliya uu ka huriyay deegaanka Tukerag in ay sababtay dad badan in ay ka soo baro kacaan isla markaana ay dul saar ku yihiin dadka xoolo dhaqatada ah ee degmada Carroolay.

Waxaanu maayerku ka codsaday xukuumadda in gurmad lala soogaadho dadkaa colaaddii Tukeraq ku soo baro kacay ee xoolo dhataqada degmada dulsaarka ku ah iyo dadka iyo duunyada degmada oouu sheegay in ay biyo la’aan ku sugan yihiin.

Waxaanu sidaa ku sheegay mar uu xalay khadka taleefanka ugu warramay Wargayska Dawan.

 Maayerka oo ka hadlayay xaaladda biyola’aaneed ee degmadaiyo guud ahaan gobolka Xaysimo ka jirtana waxaa uu yidhi.”muddo imika dhawr bilood ah xaalad biyola’aaneed oo aad u wayn ayaa degmada iyo gobolkaba ka jirtay maalin kastana way sii kordhaysay biyola’aanto oo muddo sadex bilood ahba biyihii roobka ee barkadaha noogu jiray way dhammaadeen degmadana waxaa biyo u ah biyaha booyaduhu ay ka soo qaadaan Cadhi Caddeeye iyo inta ka shishaysa Taleexna Riig ma laha barkadaheeduna aad ayay u yaryihiin oo markiiba way dhammaadeen degmada Carroolayna barkadihii way ka madhan yihiin oo biyo dhaamis ayaan ku jirnaa waana culays aad u wayn oo dadka deegaanka ooxoolo dhaqato ahi aanay xamili karin in ay iibsadaan biyaha booyaduhu masaafada intaa leeg ka keenayaan.”

Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu ka hadlay dad illaa afar boqol oo qoys ah oo ka soo baro kacay dagaaladii gardarada ahaa ee ay colaadda kaga hurisay Tukeraq maamulka Soomaaliya ee Puntland oouu sheegay in ay dul-saar ku yihiin qoysas xoolo dhaqato ah oo aan dabooli karin noloshooda oo uu codsaday in xukuumaddu u soo gurmato. “waxaa kale oo jira oo dadka deegaanka degmada Crroolay culays ku ah oo dul saar ku ah illaa afar boqol oo qoys oo ku soo baro kacay colaaddii Tukeraq ay ka hurisay Puntland oo dulsaar ku ah dad xoolo dhaqato ah oo aan daboolikarin noloshooda oo iyaguba biyo dhaamis ku jira markaa waxaan xukuumadda dhexe iyo hay’dahaba ugu baaqayaa in dadkaa gurmad lala soo gaadho dadka deegaanka ee biyo dhaamiska ku jirana deg deg biyo loola soo gaadho intaan biyo la’aantu sababin in dad iyo xoolo ay harraad u dhintaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply