Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo u dabaal-degay sanad-guuradii 23-aad

0
354

Berbera (Dawan)- Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland,ayaa u debbaal degay sannad guuradii 23 ee ka soo wareegtay aasaaskooda oo ku beegnayd kawdii bisha Oktoobar oo ku beegnayd maalintii Dorraad.

Dhool-tus balaadhan oo ay Jidadka Magaalada Xeebta ku taalla ee Berbera ku mareen Ciidanka Ciidanka ee Magaaladaas, ayaa lagu xusay sanad-guuradii 23-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Badda 1-ad Bisha October oo ku beegan Isniinta dorraad.

Munaasibadaas oo ay Ciidanku ku soo bandhigeen Xirfad Ciidannimo, Qalab casri ah iyo Dhoola-tus ka turjumaya horumarka lagu sameeyey, ayaa waxa ka qayb-galay Taliyaha Guud ee Ciidanka Admiral-guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), Xubno kamida Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera iyo masuuliyiin ka socda laamaha Dawladda iyo Hay’adda la shaqeeya Ciidanka.

“Maalintan waxaan u astaynay in lagu ogaado wixii Ciidanka u qabsoomay sannad kasta ee aan la iska socon” sidaas waxa Xaflada kaga dhawaaqay Admiral guuto Maxamed Xuseen Faarax oo sheegay in sannad kasta sanad-guuradan oo kale lagu qiimeyn doono Ciidanka wixii u qabsoomay.

Taliyaga guud ee Ciidanka Illaalada Xeebaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay “Waxaanu xoojin doonnaa Saraakiisha Ciidanka ee dibedda loogu diray Waxbarashada imika waxaa dibedda noogu maqan 5oddon sarkaaloo waxbarasho soo qaadanaya”.

Admiral Xiirane ayaa Xafladaasi ka sheegay farriin uu u diray wasaaradda Maaliyadda oo uu dareensiiyay baahiyaha kala duwan ee ciidanka Illaalada Xeebaha iyo dhinacyada ay u baahan yihiin il laga taageero. “Wasaarada Maaliyada waxaanu ka codsanaynaa inay miisaaniyada Ciidanka xil iska saarto oo aanay u arag wax yar oo aan macno badan lahayn” a

Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maayirka Berbera iyo Maareeyayaasha Dekedda Berbera iyo Haamaha kaydka Shidaalka oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Ciidanka Ilaalada Xeebuhu kaalin muhiim ah ugu jiraan Qaranka, isla markaana amniga badda u sugaan si hagar la’aan ah.

“Waxaa hubaal ah inay Ciidanka Baddu shaqadii looga baahnaa ka soo baxeen, oo ay Gobolka iyo guud ahaan dalka Xeebihiisa Ilaaliyaan, annaguna waanu garab taaganahay” sidaas waxa yidhi Badhasaabka Gobolka Saaxil oo xaflada ka hadlay.

“Haddii aan Ciidanka Baddu jirin amniga Baddeenu muu noqdeen mid lagu soo dhiirado, imika waxa qorshaha ku jira in kor loo sii qaado tayada Ciidanka” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaalada Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi.

Wasiirka Wasaarada horumarinta Biyaha Saleeban Yuusuf Cali Koore ayaa isna sheegay inay Xukuumaddu diyaar u tahay dhamaystirka dhismaha Ciidamada oo dhan iyo horumarintooda, waxaanu ballanqaaday in wax laga qaban doono tabashada dhanka dhaqaalaha ee ay Ciidanka Baddu tabanayaan.

Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa isna daboolka ka qaaday inaan amniga Baddaha dalku noqdeen mid la isku halayn karo, haddii aanay jirin Ciidan Qaran oo leh awood lagu sugo nabad-gelyadu. “waxa ayaan-darro ahayd in 23-kaa sanandood marnaba aan la soo hadal qaadin Ciidankan xuskiisa, laakiinse waa horumar maanta(dorraad) la gaadhay, waana Ciidan dhisan oo horumar badani ka muuqdo”ayuu yidhi Wasiir Gaafaadhi.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa la aasaasay sanadkii 1995-kii, waxaana digreeto Madaxweyne ku aasaasay Madaxweynihii labaad ee dalka Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyadoo wakhtigaas lagu bilaabay askartii ugu horraysay ee la qarameeyey oo ahayd 80 Askari.

23 sanno kaddib, Ciidanka wuxuu ka howl-galaa guud ahaan dhul-xeebeed cabirkiisu dhan yahay 850 Kiiloo-mitir oo laba jibbaaran, waxa uu Talis-qaybeedyo ku leeyahay inta badan Deegaamada Xeebaha, Lawyo-cado illaa Laasqoray.

Dawladda Sweden, ayaa sanadkan ku caawisay Doonyo kuwa dheereeya ah oo ay kaga howlgeli doonaan Xeebaha Dalka.

Midowga Yurub iyo Dawladda Somaliland ayaa sanadkii 2014-kii kala saxeexday Heshiis rasmi ah oo lagu horumarinayo Ciidanka Xeebaha, kaasoo bilaabmay sanadkii 2016-ka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply