Somaliland oo ka Mid Noqoysa Dalalka Soo Saara Milixda

0
531

Hargeysa (Dawan)- Xukumada Somaliland ayaa markii ugu horraysay waxa ay hashiis is fahan ah la saxeexatay shirkad soo saaraysa milixda, waxaana ay shalay markii ugu horraysay hashiis la gasho shirkada SALTERNAS ee fadhigeedu yahay dalalka Jarmal iyo Australia.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland, Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) iyo Maxamuud Jirde Xuseen oo ka mid ah guddiga sare ee shirkada SALTERNAS ayaa hashiiskan oo ku kacaaya lacag dhan 250 milyan oo dollar ku kala saxeexday xarunta wasaaradda maalgashiga Somaliland .

Maxamuud Jirde Xuseen oo ka mid ah guddiga sare ee shirkada SALTERNAS, ayaa ka warbixiyey ujeedada heshiiskan, waxaana uu yidhi “Mashuuracani waa mashruuc aad u muhiima oo dhaqaale badan oo maalgelineed la gelinaayo, waxaana la maal-gelinayaa dhulka nabadda ah.

Saddex boqol oo milyan oo dollar oo maalgalin ah waxa ay caddaynaysaa in nabadda Somaliland ay taam tahay, waxaanay soo jiidan kartaa dad badan oo maal badan gashanaya. waxaanan filaynaa in sannadka danbe aanu shaqada bilowno.”

Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland, Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) ayaa dhinaciisa ka warbixyey ujeedada hashiiska iyo macluumadka shirkadda soo saaraysa milixda, waxaanu yidhi “Waa wershada millixda ka soo saarta qaybaha kala duwan ee Somaliland, shirkadu waxa ay ka kooban tahay dad Somaliland u dhashay iyo niman maalgeliyayaal ah oo ka soo jeeda dalka Ustarelia. Markaa waxa aynu ku biiraynaa waddamada soo saara Millixda.

Mashruucani waxa uu ku kici doonaa lacag dhan 250 milyan oo dollar, waxaanu bilaabmayaa bilowga sannadka 2019-ka.”

Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) ayaa sheegay in hashiiskan uu dhallinyarada dalka u horseedi doono shaqo abuurkii ugu weynaa ee ay helaan, isaga oo arrintan ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mashuurcan waxaa laga helayaa shaqo abuur, waxa uu qaadanaaya saddex kun oo shaqaale ah oo weliba kuwo toos u shaqo geli doona ah, waxa kale oo u abuuri doona shaqo abuur aan toos ahayn, waxaa ka soo bixi doona mashruuca biyo badan, kuwaas oo marka milixda laga saaro noqon doona kuwo macaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply