Kulan Aqooneed loo soo Xidhay Hawl Wadeenada Hay’adda Waddooyinka

0
329

Hargeysa (Dawan)- Hay’adda Horumarinta Waddooyinka ee Somaliland, ayaa tababar aqooneed dhinaca dhismaha waddooyinka la xidhiidha u u soo xidhay hawl-wadeennada ka hawl gala hay’addaasi, kaas oo kor loogu qaadayay aqoontooda iyo xirfaddaha Ingineerada.

Tababarkan muddo shan maalmood ah u socday Injineeradda Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo ay bixinayeen Khuburo iyo aqoonyahano dalka Sweden ka socday, ayaa waxa Hargeysa kaga qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Somaliland Cabdilaahi Abakor Axmed, Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Eng. Cismaan Sheekh Cabdi iyo Xubno ay ka mid ahaayeen Khubaradda tababkani horumarinta iyo dhismaha waddooyinka la xidhiidha bixinaysay ee dalka Sweden ka socday Somaliland ku sugan, waxaana halkaasi Madaxweyne ku xigeenka, maareeyaha horumarinta waddooyinka iyo wasiirka gaadiidka iyo horumarinta waddooyinka Somaliland ay ku dheeraadeen ahmiyada iyo ujeedka tababarkani u leeyahay qaranka Somaliland iyo qodobada lagu faaqiday lagana dooday inay Somaliland ka faa’iido mudadii uu socday iyada oo dhinaca kale loo mahadceliyey aqoonyahanadii Tababarka bixinayey.

Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Eng. Cismaan Sheekh Cabdi oo ugu horayn khudbadiisa ka jeediyey shirkani aqoon korodhsiga dhinaca hirgelinta iyo waddooyinka ku saabsan ay u qabatay hay’addiisu Engineeradda waxa uu yidhi “Waddooyinku saddex ayey u qaybsamaan kuwaasi oo kala ah waddooyinka isku xidha magaalooyinka, waddooyinka magaalooyinka gudahooda iyo waddooyinka meelaha miyiyada ah taga, waxa la yidhaahda dhaqaalaha iyo wadooyinku waa wax aad iskugu xidhan, waxaanu maanta xooga saarayna waa waddooyinka dalkeena Somaliland sidii aanu u dhisi lahayn barnaamijyo badan oo waddooyinka dalka lagu dhisaayo ayaanu soo wadnaa waxa jira barnaamij la yidhaahdo waddo dhawr oo wadada lagu dhawraayo sida fayo dhawrka”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Somaliland Cabdilaahi Abakor Axmed oo isaguna ay qayb ka ahayd soo qaban qaabinta shirkani khabiiradda aqoonta durugsan u leh dhismayaasha waddooyinka ay Injineeradda reer Somaliland aqoon korodhsiga ku siiyeen mudadii uu socday waxaanu yidhi “Waxa jiray intii uu socday tababar aqooneedkani kaasi oo socday mudo 5 maalmood ah, ujeedada shirkani 3 arimood ayuumbaanu ka lahayn, ujeedada 1aad waxay ahayd in la helo saaxiib iskaashi oo mustaqbalka ah ama cid inaga caawisa mustaqbalka fog dhismayaasha waddooyinka oo aynu, ujeedada 2aad waxay ahayd in aynu aqaoon ka korodhsano khabiiraddan inooga yimid dalka Swiden , ujeedada 3aad ee shirkani loo qabtay waxay yihiin in wixii dhaqaale ah aynu uga heli karo iyaga laftoodu ama shirkadda ama hay’addaha midawga reer Yurub ay inaga caawiyaan horumarinta iyo dhismaha waddooyinka dalkeena Somaliland, marka waxay inaga caawinayaan aqoon korodhsiga shirkeenani saddexda ujeedo”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply