Wasiirka Qorshaynta oo la Kulmay Baanka Adduunka iyo Midawga Yurub

0
334

Hargeisa (Dawan):- Wasiirka wasaarada qorshaynta iyo horumarinta qaranka Mudane Cawaale Ibraahin . Shirwac,ayaa kulamo la qaatay Qaramada Midoobay’ baanka adduunka iyo midawga Yurub.

Wasiir Shirwac oo maalmihii u dambeeyay safar shaqo ku joogay caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi,ayaa kulamada kala duwan ee uu la yeeshay madaxda baanka adduunka midawga Yurub iyo baanka dawladda jarmalka u qaabilsan horumarinta afrika iyo dalalka Somaliland ka taageera dhanka horunarinta eek u bohoobay Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF

Wasiirk,ayaa madaxda kala duwan ee uu kulamada laqaaday war bixinno ka siiyay halka ay Somaliland marayso iyo qorsheyaasha hurumarineed ee ay ka wada shaqeeyaan madaxda uu la kulmay iyo waxyaabaha ay Somaliland diiradda saarayso in ay kala shaqeeyaan.

Waxaa kale oo Intii ay socdeen kulamadaa kala duwan lagaga wada hadlay sidii loo dhamays tiri lahaa mashruuca Biyo ballaadhinta caasimada Hargaysa, iyo kaasoo kabashada dadkii ay saamaysay Duufantii Sagar iyo sidoo kale qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin wajiga labaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDf.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply