Maayar ku Xigeenka Eilng (UK) oo Khibraddiisa la Wadaagay Hargeysa

0
352

Hargeysa (Dawan)- Maayar ku xigeenka degmada Ealing (London UK) Dr. Cabdillahi Xaaji Axmed ayaa Hargeysa kulan la qaatay saraakiisha sar sare ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, kulankaasi oo uu soo qaban qaabiyay Prof Iid Cali Axmed, oo la taliye ka ah wasaaradda arrimaha gudaha.

Dr. Cabdillahi Xaaji Axmed oo la saadaalinayo in uu noqdo Maayarka magaalada London doorashada dalkaasi ka dhacaysa horraanta sannadka 2019, ayaa tafaashiil dheer ka bixiyey adeegyo ay gole deegaan ahaan u fuliyaan bulshada dooratay.

Dr Cabdillahi oo u dhashay Somaliland ayaa la wadaagay khibradiisa maamulka goleyaasha deegaanka saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha, xaflad u soo qabanqaabiyey Prof Iid Cali Axmed, la-taliyaha wasiirka arrimaha gudaha.

Xildhibaankan oo xubin ka ah Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska, ayaa markii koowaad loo doortay jagada mayaar ku xigeenka Ealing sannadkii 2010.

Kulanka oo uu furay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye, ayuu Xildhibaan Dr Cabdillahi ku sheegay in goleyaasha deegaanka Ingiriisku muhiimada koowaad siiyaan arrimaha la xidhiidha qorsheynta, ammaanka iyo cabashada dadweynaha, marka loo eego arrimaha kale.

“Waajibkayga Xildhibaan ahaan, waxaan saacado ka shaqeeya xalinta cabashooyinka bulshada aan metelo ee Ealing Council” ayuu sheegay Dr Cabdillahi, waxaanu intaasi raaciyay “Jiritaan la’aanta xeer kala xadeeya degmooyinka ayaa keentay, tusaale ahaan in Caasimada Hargeysa oo leh 21 Xildhibaan, lagu soo doorto qaab qabiil, halka Gobolkiisa Maroodi-jeex sidoo kale 20 xildhibaan Baarlamaanka qaabka qabiilka lagu doorto.”

Saraakiisha wasaarada arrimaha gudaha, oo baddi qaabilsan goleyaasha deegaanada iyo maamulka gobolada ayaa si dhow u xiisaynayey qorshayaasha la xidhiidha diyaarinta siyaasadaha bulshada ee Dr Cabdillahi sharaxaada ka bixinayey, oo keenay in goleyaasha deegaanka Ingiriisku kaabaan hawlqabadka ciidamada Booliiska.

“Kaalinta Bulshada ee ammaanka waxay ka qaadataa kaalin muhiim ah adkaynta xasiloonida bulshada, maadaama laga dhexdoorto xaafadaha ay Ilaalinayaan, aqoona u leeyahiin,” ayuu raaciyey Xildhibaan Dr Cabdillahi.

Qodob kale oo muhiimadiisa lahaa ayaa la xidhiidhay nidaam adag oo goleyaasha deegaanka Somaliland u raacaan qorshaynya, sida loogu raaco horumarinta kaabayaasha Ingiriiska.

Waxuu sheegay in qorshe kasta oo dib loogu hagaajinayo dhisme hore ama mid cusub, marka koowaad ogolaansho ka haysto degmada qaabilsan, taasoo Xildhibaan Dr Cabdillaahi sheegay inuu yimaado, ka dib marka dhamaan cabashada, bulshada, haduu jiro la xalliyo.

Balse, taa cakiskeeda, ayaa lagu sheegay, inkasta oo ay ogolaanshaha bixiyaan goleyaasha deegaanka Somaliland, balse, ku guuldaraystaan inay ka ilaaliyaan in warshado laga dhexdhiso xaafadaha dadku ku noolyihiin, cabashada dadkuna sii socoto, xitaa iyadoo dhismahaasi la dhamaytiray.

Qodob kale oo, aanay ku dhaqmin goleyaasha deegaanka Somaliland ayaa ay kaalinta kaga beegan adeega dadweynaha, oo dhinaca kale waajibkooda tahay goleyaasha deegaanka Ingiriiska.

Tusaale ahaan, muwaadiniinta Ingiriisku waxay ka helaan adeegyada caafimaadka, waxbarashada, nabadgelyada goleyaasha deegaanadooda, halka, Somaliland, adeegyadaasi ay qaabilsan tahay Xukuumada Dhexe.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply