Somaliland oo Markii Ugu Horreysay Lagu Marti-qaadey Bandhiga Macdanta Adduunka

0
335

Dubai (Dawan)- Bandhig lagu daah furayay noocyadda kala duwan ee macdanaha dalalka caalamka oo lagu qabtey magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa markii ugu horreysay lagu marti qaaday dalka Somaliland.

Bandhig macdaneedkan (maining-shaw) oo dawllada Imaaraadka Carabtu ugu talo gashey in uu qeyb ka noqdo istaraatijiyadaha suuqa dhaqaalaha adduunka, islamarkaana, ay fursad ahaan ugaga faa’ideystaan dawllado badan oo dunuda caalamka ahi si ay kor ugu qaadaan qiimaha dhinaca macdanta ee dalkooda kujira, waxaana kasoo qeyb galey bandhiggan dalalka Shiinaha, Sucuudiga, Nayjeeriya, Marroco, Somaliland iyo dalal kale oo badan.

Ambassador Xasan Yaasiin Hirad, oo ah safiirka Somaliland ee dawllada Isku Taga Imaaraadka Carabta ayaa bandhigaasi uga qayb galay dalka Somaliland, waxaanu xusay in ay fursad weyn u tahey Somaliland, dhinacyada istaraatijiga dhaqaale iyo diblamaasiyadeed, maadaama wakhti xaadirkan dawllada Imaaraadku fure u tahey in dawllado badan oo dhiggeeda ahi ay la wadaagaan in ay xogo dheeraad ah ka helaan Somaliland iyo istaraatijiyadaha kheyraadkeeda.

Ambassador Xasan Yaasiin Hirad, oo si taxadir iyo abaabulba leh uga qeyb galey bandhigan, ayaa waxa ku wehelinayay agaasimaha waaxda macdanta ee wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Axmed Maxamuud.

Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta dawllada Imaaraadka Carabta Khaalid Cali Alhusseyn, ayaa faahfaahin ka bixiyay nuxurka iyo ujeedada daahfurka bandhiga, waxaanu tilmaamay in qeyb ka yahey is dhexgalka suuqa ganacsiga adduunka iyo doorka dhaqaale labadaba. Sidaa daraadeed ay dawlladiisu fursad u siisey dalal badan oo kheyraadka macdaneed ee dalkoodu leeyahey door weyn ka qaadan karo suuqa ganacsiga adduunka, furena u noqon doonta in iibka iyo ganacsiga macdantu kor uga kaco heerkii hore si dal kastaaba uga faa’iideysto kheyraadkiisa.

Safiirka Somaliland iyo agaasimaha waaxda macdanta ee wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland waxey uga faa’iideysteen kulankii bandhig macdaneedka in ay dhamaanba dalalkii ka soo qeyb galey iyo masuuliyiintii matalayey u ay qeybiyeenn buug ay ku qoran tahay noocyo fara badan oo macdanta iyo kheyraadka Somaliland laga helay ah, kaas oo ay wasaarada macdantu diyaarisey.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply