Wasiir Hinda Gaani oo Sheegtay in Dalka Laga Mastaafurinayo Dad Ajaanib ah

0
314

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaanni ayaa sheegtay in ay dalka ka saarayaan dadka ajaanibka ah ee aan u qalmin shaqooyinka ay dalka ka hayaan.

Wasiir Hinda oo la hadlaysay ardayda ka qalinjebisay jaamacada Alpha faraceeda magaalada Burco ayaa sheegtay in ay dalka ka saarayaan hormadii ugu horaysay ee shaqaalaha ajaanibta ah oo ka soo jeeda dalka Pakistan, waxana ay tidhi “waxa aanu soo tiro koobnay shaqada ay hayaan dadka ajaanibta ee ay qaban karaan dadkeena wax bartay, waxa aanu bilaabi doono daad guraynta dadka aan u qalmin in ay dalka ka shaqeeyan, qaybtii ugu horraysay oo dalka Pakistan u dhashay ayaanu dalka ka saaraynaa Insha alla. Dowladdu way shaqaynaysaa, dadkeedu haddaanu la shaqayna waa gaab banana.”

Dhinaca kale wasiir Hinda Jaamac Xirsi Gaanni oo ka jawaabayey hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo u badnaa hanjabaad ayaa sheegtay in Somaliland ay ka kortay xilligii qof ama shakhsi looga baqan lahaa inuu wax yeeleeyo, waxaanay tidhi “Waxa aan filayaa ma haboona maanta nin dukaan furtay oo alaabtii oo dhan saaray albaabadana u balaqay in aynu yidhaahno waa la qaxayaa , ardayda maalmahan qalin jebinaysay ee aynu u dabaal degayno ma haboona in ay nidhaahno Somaliland waa lagu kala yaacayaa waayo Somaliland waxa ay soo martay marxalado badan oo kala duwan , nin baa lagu yidhi malaha odayga Aabaha kuma dhallin, markaasu yidhi , rag boqol gaadhay iyo biyo qolatayn gaadhay labaduba xaaran ka baaqsadee , Somaliland maanta waa sideed iyo labaatan jir in laga qaxo iyo in uu qof qaxiyo midna laga fili maayo “ ayey tidhi

Ugu danbaytii waxa ay ugu busharaysay ardayda sannadka ka qalinjebiyey jaamacadaha dalka in ay ka fursad fiican yihiin ardaydii ka horaysay , islamarkaana loo diyaariyey sannad walba in la shaqalasiyo kun iyo shan boqol oo arday oo qayb ka ah barnaamijka shaqo qaran kaasi oo u hindisay Madaxweynaha somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply