Wasiirka Gaadiidka oo ka Hadlay Qorshe Lagaga Hor Tegayo Shilalka

0
292

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa ka hadlay qorshe lagu xakamaynayo, isla markaana ay kaga hor tegayaan shilalka gaadidka oo qasaare nafeed iyo mid hantiyeedba sababa.

Waxaanu intaa raaciyay in ay wadaan hannaan lagula xisaabtamayo wadeyaasha baabuurta oo loo eegayo inta goor ee dirawalku uu shil galay oo sabab u noqon karta in laga mamnuuco in uu baabuur dambe kexeeyo.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay u socoto hawsha bixinta iyo beddelaadda summada cusb ee lambarada baabuurta oo uu sheegay in ay ka bilaabeen gobolka Maroodijex.

Waxaanu yidhi wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayay “Taarikada cusub ee baabuurta Somaliland sidii loogu talo galay ayay u socotaa waxaanan ka bilownay gobolka Maroodijeex toddobaadka soo socdana waxaanu ka bilaabi doonaa gobolka Togdheer, si fiican ayaanay u socotaa shaqadaasi dhawaanna waxaanu samayn doonnaa liisankii oo nidaamkoodii la casriyeeyay oo imtixaan laga qaadi doono dirawalada. waxaanan isleenahay waa wax yaabaha lagaga hortagi karo shilalka baabuurta. Waxaanan la xisaabtami doonaa dirawalada, oo haddii uu dambi galo dirawalku oo saddex jeer shilal galo iyadoo loo ee gayo shuruucda dalka u taala waxa ay noqon doontaa in laga mamnuuco in uu gaadhi kaxeeyo dirawalku.”

Wasiirku waxa kale oo u beeniyay in ay wax ka jiraan warar sheegayay in khilaaf soo kala dhex galay Hay’adda waddooyinka iyo wasaaradda gaadiidka waxaanu yidhi. “Hay’adaha xukuumaddu waa isku mid wada shaqaynina way ka dhaxaysaa, wax khilaaf ah oo ka dhex jiraa ma jiro wasaarada Gaadiidka iyo Hay’ada horumarinta Waddooyinka, dadkeena ayaana iska jecel in khilaaf dhaco”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply