Afhayeenkii Hore oo Madaxtooyada oo Ammaan u soo Jeediyay Xukuumadda

0
323

Hargaysa (Dawan) Afhayeenkii hore ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo Eng. Xuseen Aadan Cige Xuseen Dayr ayaa ku ammaanay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in gacanta dawlada dib loogu soo celiyo daabacaada Baasaaboorka iyo Liisanka Baabuurka.

Xuseen Aadan Cige oo shalay la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in awoodaha madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay ka mid tahay in gacanta dawlada dib loogu soo celiyo dhukumantiga dawlada. Isla markaana madbacada qaranku daabacdo liisanka baabuurta iyo Baasaaboorka.

Xuseen Aadan Cige oo arimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi awood ayuu u leeyahay in uu gacanta dawlada dib loogu soo celiyo daabacaada baasaaboorka Somaliland, liisamada iyo dokomantiyada ay dawladu ku shaqayso oo dhan, shacabku madaxweynaha waa ku hambalyeeyeen aniguna madaxweynaha waan ku hambalyaynayaa in uu talaabadaa qaado oo madabacada qaranku daabacdo liisanka Baabuurka iyo Baasaaboorka”.

Sidoo kale Xuseen Dayr waxa kale oo uu ka hadlay shirkii dhawaan lagu qabtay magaalada Hargaysa ee ay soo qaban qaabisay wasaarada Arimaha dibada ee lagaga hadlayay wixii u qabsoomay Siyaasada Arimaha dibada ee Somaliland. waxaana uu yidhi “Shirkii Wasaarada Arimaha dibada qabatay waxa lagaga arinsanayay wixii u qabsoomay wixii ka qabyoobay iyo waxyaabaha u qorshaysan, waxaana shirkaa lagaga hadlay waxyaabihii Somaliland u qabsoomay ee arimaha dibada ku aadan 27 sano iyo horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinaca ictiraaf raadinta. waxaana aan filayaa in shirkaasi Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u noqon doono mid bilow u ah in wasaarada kas taaba soo bandhigto wixii u qabsoomay”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply