Wasiirka Hawlaha Guud oo ka Qayb Qaatay Dhismaha Dayr Dugsi ku Yaalla Gabiley

0
308

Gabiley (Dawan): Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo dhulka Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambe ayaa noqday masuulkii ugu horreeyay ee ka qayb qaata barnaamij iskaa-wax-u-qabso ah oo ay bulshadda Gabiley derbi ugu dhisayaan dugsi dawli ah oo ku yaalla Gabiley.

Dugsiga hoose dhexe ee loo yaqaano New Gabiley ee magaaladda Gabiley oo muddo dheer bilaa dayr ahaa ayaa dadweynaha magaaladaasi iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee Gabiley waxay isku kaashadeen sidii iskuulkaasi xayn-daab loogu samayn lahaa.

C/rashiid Ducaale Qambi, wasiirka hawlaha guud iyo dhulka oo shalay safar shaqo ku tegay Gabiley oo booqday siday u socoto hawsha dhismaha dayrka loogu samaynayo dugsigaasi ayaa isla goobtaa waxa uu kaga dhawaaqay in ka wasaarad ahaan ay barnaamijkan iskaa-wax-u-qabsadda ah kaga qayb qaadanayaan 4 kun oo xabadood oo Jaajuur ah una dhigan ta lacag gaadhaysa 16 milyan oo shilling ah.

Wasiirka ayaa dadweynaha Gabiley iyo masuuliyiinta ba ku amaanay barnaamijkan iskaa-wax-u-qabsadda ah ee ay isugu kaashadeen sidii ay dayr ugu dhisi lahaayeen iskuulkaasi. Waxaanu wasiirku sharaxaad ka bixiyay faa’iidadda ay leedahay in bulshadu is kaashato.

“Waxaan halkan bogaadin uga soo jeedinayaa dadweynaha reer Gabiley oo ku dhawaaqay in ay derbiga dugsiga hoose dhexe ee New Gabiley ay ku dhisayaan iskaa-wax-u-qabso. Arrintaas oo ay abaabuleen gudoomiyaha gobolka iyo maayarka Gabiley.

Marka hore iskaa-wax-u-qabso Somaliland waxay u taqaanaa in Maxamed Siyaad Barre lahaayoo, uu barnaamij xun oo Jaalle oo kale ah sida dadka qaar uga xanaaqaan uu ahaa. Iskaa-wax-u-qabso, waxa weeye barnaamij aad u wanaagsan, ummado badan oo aduunka ah waxay ku gaadheen horumar in ummadu xoogoodda isticmaasho, in ummadu wax wada qabsato, in ummadu wixii meesha ay degan yihiin dan u ah ay yeelaan”ayuu yidhi wasiir Qambi.

Isagoo hadalka sii watay na waxa uu yidhi “Waxaan halkan uga mahad naqayaa inta farsamo yaqaanadda ah ee ay hormoodka u yihiin, was-taadadu iyo inta kale ee dhisme ka shaqaysa, ee dadweynaha Gabiley ka tirsan in ay go’aan ku gaadheen in ay iskuulka New Gabiley derbigiisa lagu dhiso iskaa-wax-u-qabso.

Dadweynaha Gabiley waxaan uga mahad naqayaa in ay arrinkaa ka qayb qaateen , in ay ku fekereen, in ay abaabulaan, in labadda guddoomiye (badhasaabka iyo guddoomiyaha golaha degaanka) ay ka qayb qaataan, bulshadda Gabiley na ay kala qayb qaataan”.

Wasiir Qambi ayaa halkaa kaga dhawaaqay ka wasaarad ahaan waxay kaga qayb qaadanayaan dhismaha derbiga dugsigaasi, waxaanu yidhi “Wasaaradda hawlaha guud, waxaanu kaga qayb qaadanaynaa barnaamijkan iskaa-wax-u-qabsadda ah, ee iskuulkan dayrka loogu dhisayo 4000 oo xabo oo Jaajuur ah in aanu bixino, oo u dhiganta 16 milyan oo Somaliland shilling ah.

Mar labaad waan uga mahad naqayaa dadweynaha Gabiley in ay ka qayb qaataan dhimsha dayrka dugsigan oo aad u balaadhan”.

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Gabiley iyo maayarka Gabiley ayaa wasiirka hawlaha guud uga mahad naqay in uu kala qayb qaato dhismaha derbiga dugsigaasi, isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin tallaabadda wasiirka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply