“Indhaha Caalamka Waxa soo Jiitay Waxaynu Qabsanay oo Aanay Haysan Dalal la Aqoonsan Yahay” Wasiir Sacad

0
326

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay shirweyne caalamiya oo uu dhawaan ka qayn gelayo oo Somaliland lagu casuumay iyo qodobada Somaliland ay la shir tegayso.

Waxaa kale oo uu ka hadlay shirkii dhawaan lagu soo gunaanaday magaalada Hargeysa oo uu tilmaamay waxyaabaha lagaga wada hadlay iyo qodobadii lagu lafo guray oo ay ka mid ahayd waxyaabaha Somaliland u qabsoomay iyo caqabadaha hor taagan ictiaafka Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu sharraxaad ka bixiyay mashruuca ballaadhinta dekedda Berbera iyo halka ay marayso waddadii isku xidhaysay Berbera iyo Wajaale. Waxaaanu arrimahaasi kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Dawan.

Wasiirka oo ugu horrayn wax laga waydiiyay shirkii lagu qabtay Hargeysa iyo waxyaabihii ka soo baxay, ayaa ku jawaabay. “shirkaasi wuxuu ahaa shir weyn oo caalamiya oo lagaga wada hadlayay Somaliland inii ay jirtay waxyaabhii u qabsoomay iyo iyo caqabadaha hor taagan waxyaabaha aynu u baahannahay oo uu ugu horreeyo aqoonsiga Somaliland,waxaana ka qoo qayb galay 22 dawladood oo Somaliland saaxiib la ah iyo aqoonyahanno badan aynu xidhiidh leenahay waxaanay aad ula yaabeen dhammaan madaxdii kala duwanayd ee kasoo qayb gashay waxaynu qabsanay oo ah wax aan innaga ioo muuqan ama aynaan dareen sanayn,waxaana jirta in dadku ay marwalba ka hadlaanoo ka fekeraan waxa ka maqan innagana waxaa innoogu weyn ee aynu baadigoobaynaa waa aqoonsiga dalkeena laakiin waxaa wax lagu faano ah caasmaddeenaa yar wada boodhka ah ee waddooyinka jajaban halka ay arayso iyo nimcada aynu haysano ee nabad gelyoleh ee ganacsi leh ee horumar leh ee aanay haysan dalal badan oo la aqoonsan yahay,waxaana shirkaa ka soo baxay in la innagu bogaadiyay waxyaabaha aynu qabsanay iyo in la in farriinteena la qaado oo gacan la innaga siiyosidii aynu aqoonsi buuxa caalamka uga helilahayn waxaanan qabaa in aynu qaadnay jidkii aqoonsi caalamiya ay Somaliland ku heli lahay.”

Wasiirka oo la waydiiyay shir ka dhacaya dalka Baraasiil oo lagu casuumay iyo nooca casuumadda uu ka helay ee uu kaga qayb gelayo iyo qorshaha shirkaa lagaga wada hadlayo. “shirkaasi waa shir caalamiya oo lagu qabanayo dalka Brasil waxaana loo qabanayaa Baraasiil iyo Afrika waxaana lagaga wada hadlayaa shaqo la’aanta dhallinyarada iyo sidii wax looga qaban lahaa waana dhibaato ka jirta qaaradaha afrika iyo eeshiya shaqo la’aanta dhallinyaradu markaa waxaanu la tegaynaa khibradda aanu u leenahay dhibaatada laga dhaxlo shaqo la’aanta dhallinyarada oo ka mid ah aafooyinka ugu waawayn ee ka jira qaaradda afrika ee sababay dhibaatada tahriibka iyo sidii wax looga qaban lahaa waxaana shirka la innagu casuumay innaga oo Somaliland ah oo ah qaran madaxbannaan oo dawlad ah, waxaa kale oo aanu halkaa kaga hadli doonaa Somaliland iyo halkay ay marayso iyo sida loogu bahan yahay in aanu dalalka caalamka xidhiidh dhaw oo is kaashi wada yeelano.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay wuxuu soo kordhiyay mshruuca ballaadhinta dekeda Berbera bilaabiddiisu,ayaa ku jawaabay. “horta dad badan ayaa aaminsanaa in heshiiskaasi uu iska hadaluun yahay oo aan deked la ballaadhinayaa aanay jirin laakin markii la arkay in shirkadda DP-WORLD ay ka dhabaynayso heshiiskii ay gashay ee ay bilawday ballaadhinta dekeda Berbera waxay noqotay wax caalamka oo dhan ku soo jeediyay Somaliland oo tusay in Somaliland ay tahay meel la maal gashan karo oo leh dawlad iyo qaran heshiis lala geli karo oo axdi leh,waxaa kale oo jira Somaliland khayraadka ALLE siiyay waxaa ka mid ah mandaqada aynu ku naallo oo ah mid isku xidha Yurub,Eeshiya iyo Afrika,dekeda Berberana waa halka sadexdaa qaaradood isku xidha waana sababtii markii horeba keentay in Dawladdii Ingiiisku inoo timaaddo oo ay Somaliland soo degto maantana wali way taagan tahay oo marinka aynu ku naallo ayaa sabab u ah in heshiisyo sida ka DPW oo kale ah in aynu galno waxaanan rejaynayaa in kuwo kale oo badanina ay iman doonaan oo Somaliland heshiisyo kale oo waawayn Somaliland dalal iyo shirkadoba la geli doonto. Waxaa kale oo dubra bilaabmaya in shaqo abuur laga helo ballaadhinta dhismaha dekeda Berbera ”

Wasiirka oo la waydiiyay halka uu marayo dhismaha madaarkii Millatari ee dalka Imaaraadku kadhisanayay Berbera iyo wadadii isku xdhaysay Berbera iyo Wajaale,ayaa ku jawaabay “imika waxaa socda dhismihiisii iyo hawshiisii waxaa kale oo la dhammaystiray sahamintii wadada isku xidha Berbera iyo Wajaale waxaana dhakhso loo bilaabayaa dhismaha wadadaas, waxaa kale oo dhawaan la bilaabayaa madaarkii Berbera ee Somaliland loo dhisayay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply