Guddoomiyaha Hawd oo ka hadlay Cagaf loo iibiyay Balligubadle

0
324

Hargeysa(Dawan):- Guddoomiyaha gobolka Hawd Yaasiin Maxamuud Shide, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay oo sheegayay in muran ka taagan yahay shaqada Kastamka degmada Balligubadle ee gobolka Haw doo la sheegay in ay ku muran san yihiin maamulka gobolka iyo wasaaradda maaliyadda Somaliland.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray guddoomiye Shide in kastamka kala Balligubadle in uu yahay kastamka sadexaad ee ugu dakhli soo xeraynta badan dalka oo dhan isla markaana uu si wanaagsan u shaqeeyo.

Waxaa kale oo uu ka hadlay gaadhi cagaf ah oo shalay loo iibiyay dawladda hoose ee degmada Balligubadle oo uu sheegay in lacagta lagu iibiyay dhammaanteed ay bixisay dawladda hoose ee degmadu,waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn guddoomiyaha oo la waydiiyay wararka sheegaya in muran ka taagan yahay shaqada kastamka Balligubadle oo ay ku muran san yihiin wasaaradda horumarinta maaliyadda,ayaa ku jawaabay. “hadalkaasi waa mid aanay waxba ka jirin oo hadalka suuqa ah laakiin kastamka Balligubadle waa kastamka sadexaad ee ugu soo xeraynta badan dakhliga dalka waxaanu bishii dhammaatay ee sagaalaad aanu qasnadda dawladda ku soo xeraynay 400 oo kun oo Dollar waanu shaqeeyaa waxaanu ka mid yahay kastamyada dawladda ee dalka wax muran ah oo shaqadiisa ka taaganina ma jiro.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay cagaf ay dawladda hoose ee Balligubadle u iibiyeen maanta(shalay),ayaa yidhi “maanta(shalay) waxaanu soo iibsanay oo aanu degmada Balligubadle u iibinay gaadhi Cagaf ah oo qiimaheedu dhan yahay 50 kun oo Dollar oo dhammaan lacagtedana ay bixisay dawladda hoose ee degmada Balligubadle,Cagaftuna waxay ahayd baahi weyn oo degmadu qabtay waxaanu qorshaayagu yahay in horta aanu wax ka qabano dhanka waddooyinka oo aanu u hlno Cagaf maantana waxaanu guda gelaynaa bannaynta waddooyinka xidhan ee gobolka iyo degmadaba iyo in aanu gacan ka geysano wadadii Balligubadle iyo Hargeysa oo Cagaftani wax wayn ka tari doonto waxaa kale oo noo qorshaysan in dhammaan laamaha dawladdu xarumo ka samaystaan gobolka oo ay ka wada hawl galaan sanadka cusub.

Waxaa kale oo aanu doonaynaa in wax soo saarka dhanka beeraha aanu kor u qaadno oo gobolka Haw doo hodan ku ah xoolaha in uu dhanka Beerahana kaalin weyn oo muuqata ku yeesho oo dalku qorshaha isku filnaanshaha dhanka cuntada ee ah siyaasadda Madaxweyhana in gobolka Hawd uu noqdo mid la soo baxa raashin ku filan gobolka lana iib geyn karo,waxaanu bulshada ku wacyi gelinay in ay beeraha wax kala soo baxaan oo ay ka faa’iidaystaan iyadoo dhul daaqsimeedkana aanu illaalinayno oo aan la oodan karin.”ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Hawd Yaasiin Maxamuud Shide oo u warramay wargayska Dawan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply