Maareeyaha Dekadda Berbera oo Shaaciyay Wakhtiga Rasmi Ahaan Loo Bilaabayo Dhismaha Casriyaynta Dekadda

0
299

Berbera (Dawan): Maareeyaha dekadda Berbera Siciid Xasan C/laahi, ayaa shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee la bilaabayo dhismaha casriyaynta iyo balaadhinta ee shirkadda DP World ay ku samaynayso dekadda Berbera.

Waxaanu sheegay in marka laga bilaabo maalintii uu dhacay saxeexii u danbeeyay ee heshiiska u dhexeeya Somaliland iyo DP World oo ku beegnayd 11-kii bishan ay noqonayso maalinta rasmi ahaan uu u dhaqan galay.

Siciid Xasan C/laahi maareeyaha dekadda Berbera waxa uu sidan ka sheegay warbixin uu xafiiskiisa ku siiyay guddiga joogtadda ah ee golaha Wakiiladda oo shalay kormeer qiimayn ah ku tegay dekadda Berbera.

Maareeyaha oo xildhibaanadda u sharaxayay hawlaha shaqo ee dekadu u qabato ganacsatadda iyo siday wax u socdaan, waxa uu yidhi “Waxaa na soo booqday xildhibaanadda guddiga joogtadda ah ee golaha Wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay nala yeesheen xog waraysi, waana wax iska caadiya in la isla xisaabtamo, oo la isku daba-gallo nin walba xilka uu hayo, waa sunaha dawladnimo. Guud ahaan dekadda shaqadeedu waa caadi 100% (boqolkiiba boqol)”.

Sidoo kale maareeyuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyay wakhtiga la bilaabayo dhismaha casriyaynta dekadda. “Waa tii maalintii dhawayd ee bishan 11-keedii la dhagax dhigay dhismaha cusub ee shirkadda DP World ay ku kordhinayso dekadda Berbera. Mudadda uu soconayo dhismuhu waa 2 sanadood oo waa tii hore loo sheegay.

Maalintii saxeexu dhacay laga bilaaba na, koow ayay noqonaysaa bilawga dhiskaha dekadu. Dadweynuhu in badan ayay is waydiinayeen wakhtiga la bilaabayo dhismaha casriyaynta dekadda, oo ay lahaayeen maxaa loo sheegi waayay taariikhda rasmiga ah ee la bilaabayo.

Waxaanan halkan ka cadaynayaa in maalintii heshiiska saxeexa lagu dhuftay uu si rasmiya uga bilaabmayo”ayuu yidhi Siciid Xasan C/laahi.

Maareeye Siciid waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay goorta uu dalka soo gaadhayo qalabka lagu dhisayo casriyaynta dekadda Berbera. Waxaanu yidhi “Waxaana la filayaa in dhawaan agabkii shirkadu ku dhisaysay dekadda uu ku imanayo muddo 3 todobaad ah. waanan ku daba gelaynaa. Waxaanan rejaynaynaa in maalmaha soo socda weftigii hor dhaca ahaa ee u diyaarinayay meesha ay degayaan in ay dalka yimaadaan”.

Geesta kale xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, oo ku hadlayay afka guddiga joogtadda Wakiiladda ayaa isna ka hadlay in kormeerkoodda u jeedadiisu ahayd sidii ay xog-ogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda Berbera.

Waxaanu tilmaamay in ay soo kormeereen goobo dhawr oo ay ka mid ahaayeen xafiiska badhasaabka Saaxil, dawladda hoose ee Berbera. Hase yeeshee hawsha ugu weyn ee ay daba socdeen sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen ahayd dekadda Berbera.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply