Hargeysa (Dawan)- Guddiga qandaraasyada qaranka Somaliland oo ay wehelinayaan masuuliyinyta wakaallada horumarinta waddooyinka ayaa shaaca ka qaaday in tartan furan loo gelaayo dhismaha waddada isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Kala-baydh oo la dayactiraayo.
Guddoomiyaha guddiga qandaraasyada qaranka Somaliland Md, Nuux Maxmed Xuseen, ayaa sheegay in ay tartan furan u qabanayaan ciddii ama shirkadii danaynaysa dhismaha waddadaasi, waxaanu xusay in laba galinba ay u shaqaynayaa muddada baahinta qardaraasku socdo oo dhan muddo saddex maalimood ah oo ka bilaabmata shan iyo tobanka ilaa sideed iyo tobanka bishan.
Guddoomiye Nuux ayaa sheegay in si caddaalad iyo dhexdhexaadnimo ah ay ula shaqaynaa shirkadaha danaynaaya dhismaha iyo dayactirka waddada isku xidha Hargeysa iyo Kala-baydh, “Si caddaalad iyo dhexdhexaadnimo ah ayaan idiin la shaqaynayaa annaga oo ka duulayna siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ahayd in loo sinaado qandaraasyada qaranka “ ayuu yidhi guddoomayaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseeen.
Mareeyaha ha’yadda wadooyinka Somaliland, Cismaan Sheekh Cabdi Maxamed ayaa sheegay in waddada u dhaxaysa hargeysa iyo kala-baydh ay ku sameeyeen dayactir kooban oo ku mee-lgaadh ah , waxaanu xusay in mashruucan uu maalgelinaayo Midowga Yurub.
Waddada isku xidha hargeysa iyo kala-baydh ayaa waxa uu dherarkeedu dhan yahay 60 km.
Dawannews Hargeysa office