Guddoomiyaha Imtaxaanadka Qaranka oo u Jawaabay Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani

0
374

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in aanay jirin sadbursiinyo dheeraad ah oo la siiyay gobolka Gabilay deeqdii waxbarasho ee dhawaan Ethiopia siisay Somaliland.

Guddoomiye Daa’uud oo u warramay Eryal Tv, ayaa sheegay in Gabilay heshay 15 Arday oo sidaas wax kaga maqan yihiin, “Gebiley waxa ay ku jirtaa kuwa ugu yar ee weliba sida gaarka ah wax looga gooyey tirada ay heleen shan iyo toban ma dhamma , meesha ugu hosaysa ayey ahayd, waxa aanu wax u qaybinay sida uu ILLAHAY nagu ogaa” ayuu yidhi

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi ayaa dhawaan sheegay in gobolka Gabilay helay 37 arday deeqdii waxbarasho halka gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag saddexdooduba isugeyn ay heleen 33 arday. Daa’uud Gadhweyne, ayaa sheegay in guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro la siiyay xog khaldan, waxaanu nidar ku maray in si cadaalad ah ay u qaybiyeen deeqda waxbarsho ee ay ka heleen dowladda Itoobiya , waxana uu yidhi “deeqaha waxbarasho waxa lagu qaybiyey si cadaalada ah oo ku salaysan tiro walba inta arday ee dugsiga sare ugu baxday gobolka kasta, ta shahaadada labaad ee Master loo yaqaan waxa lagu qaybiyey tiro walba inta arday ee Jaamacadaha ugu baxday gobol walba marka gobol walba sida uu uga tiro badan yahay ayuu uga arday badnaa”

Hadalka Daa’uud Gadhweyne ayaa kusoo beegmaayaa xilli guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, u sheegay in caddaalad darro lagu qaybiyay deeqdii waxbarasho ee Ethiopia siisay Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply