Wasaaradda Beeraha oo Xustay Maalinta Cuntada Adduunka

0
305

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, ayaa shalay si weyn u xustay maalinta cuntada adduunka oo sannad kasta caalamka oo dhan laga xuso 16-ka bisha Oktoobar.

Munaasibad si wanaagsan loo soo agaasimay oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay wasiirka wasaaradda beeraha Axmed Muumin Seed, agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Dr. Axmed Cali Maax, wasiirrada wasaaradaha biyaha, deegaanka, wasiir ku-xigeenka qorshaynta qaranka, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), Maayarkii hore ee caasimadda hargeysa Eng. Jiciir, masuuliyiin ka socday hay’addaha ay wada-shaqaynta leeyihiin wasaaradda beeraha, agaasime-waaxeedyada wasaaradda, qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda beeraha iyo iskaashatooyinka beeraha ah ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Wasiirka horumarinta beeraha, Axmed Muumin Seed ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay saacado bilaash ah u qoday qaar ka mid ah beeralayda gobollada Daad-madheedh, Togdheer, Maroodijeex iyo Gabiley. Waxaanu yidhi “Waxa aad marag ka tihiin in aanay ina anfacayn cuntada inooga timaada adduunka iyo khudaarta inooga timaada waddamada jaarka sida Itoobiya, Jabuuti iyo Yemen si aynu taas ugu maarano waxa aanu kordhinay wax soosaarkeeni oo sababay in dadka beeralayda ah ay dadaal badan sameeyan.”

Wasiir Axmed Muumin Seed waxa uu u mahadceliyey beeralayda Somaliland oo uu xusay inay juhdi weyn geliyeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen wax soo saarkooda. “Beeralayda soo bandhigtay waxqabadkooda , waxa aan uga mahadcelinayaa dadaalka badan iyo juhdiga ay geliyeen in ay soo bandhigaan wax soosaarkii dalka.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Waxa aanu wasaarada ahaan qaadnay olole balaadhan oo salka ku haya dhiirigelinta iyo balanqaadka uu nagu hoggaaminaayo Madaxweynaha Somaliland , taasi oo ka turjumaysa balanqaadkii Madaxweynaha ee xilligii olalaha oo ahaa in la tayaynaayo wax soosaarka dalka, dunidu maanta waxa ay ku tartamaysaa in ay kor qaado wax soosaarkeeda inaga (Somaliland) waxa inala gudboon in ay isku tashano , xukuumad, shacab iyo ganacsato si aynu kor ugu qaadno wax soosaarkeena “

Wasiirrada wasaaradaha biyaha, deegaanka iyo wasiir ku-xigeenka qorshaynta, md. Saleebaan Cali Koore , marwo Shugri xaaji Bandare iyo eng. Xuseen Buuni oo ka hadlay munaasibadaas ayaa beeralayda iyo wasaaradda horumarinta beeraha ku ammaanay qorsheyaashooda horumarinta wax soosaarka ee ay ku hawlan yihiin.

Halku-dhegga xuska sannadkan ee munaasibadda maalinta cuntada adduunka ayaa ahayd “Adduunku wuu iskaga filaan karaa dhinaca cuntada sannadka 2030ka”

Ugu danbayna beeralayda dalka qaarkood ayaa munaasibadaas ku soo bandhigay waxsoosaarkooda gaar ahaan noocyada kala duwan ee khudaarta iyo cuntada ka soo go’ay dalka.

Xuska Munaasibada maalinta cuntada adduunka ee sannadkan ayaa kusoo beegantay xilli ay wasaaradda beeraha Somaliland ku hawlan tahay mashaariic waaweyn oo dalagyda cuntada waddaniga ah laga beeray deegaanka Wajaale, Xaaxi iyo Beer .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply