Golaha Deegaanka Laascaanood oo Yeeshay Fadhi aan Caadi Ahayn

0
393

Laascaanood (Dawan)-  Kalfadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha deegaanka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu shir guddoominayey gudoomiyaha golahaasi Cabdicasiis Xuseen Maxamed (Taarwale) ayaa lagu bandhigay waxyaabihii u qabsoomay sannadka 2018.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta dawlada hoose magaalada Laascaanood, ayaa waxa ka soo xaadirey 18 xubnood ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka. Waxaana hadal ka jeediyay maayarka magaalada Laascaanood Cabdcasiis Xuseen Taarwale, waxaanu yidhi ”Maanta kalfidhigani waa kalfadhi aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha deegaanka magaalada Laascaanood, waxaanu ku saabsan yahay wixii u qabsoomay golaha deegaanka sannadka 2018 iyo waxa u qorshaysan sannada 2019-ka ee soo socda.”

Maayarka oo hadalkiisa sii watay ayaa intaa ku daray “Shirkan maanta waxaa fadhiya 18 xubnood, waxaana xubin kasta hortaalla nuqulada ay ku urursan yihiin wixii uu goluhu qabtay iyo waxa u qorshaysan sanadka soo socda, cid kasta oo su’aalo ka qabta way u furan tahay inay na weydiiyaan, warqadahaas maanta waxaan u soo qoray in xubin kasta oo galaha ka tirsani uu meel dhigto oo berrina nagula xisaabtamo”.

Dhinaca kale maayarka magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay inaanu jirin wax mooshin ah oo loo keenay goddoomiye ahaan waxaanu yidhi ”Golihii deegaanka waxa fadhiya kulankan 18 xubnood, aniga shakhsi ahaan iyo gudoomiye ahaan toona wax mooshin ah oo la iga keenay , ama la ii keenay midna ma jirto, golihiina waa kaas shaqaynaya ee shaqadiisii wata kulankana ku dhan, markaa dadweynaha farriinta khaldan warbaahinta lagu gaadhsiiyey wuu arkaa inuu ahaa warxun oo aanay waxba ka jirin.”

Dhinaca kale waxa uu xusay gudoomiyuhu in ay gacanta ku hayaan hawsha qodista godkii loogu talo galay in lagu qubo qashinka magaalada, isla markaana goobtii loo asteeyey laga qodayo, cagaftii qodaysay oo ah nooca silsilada lehna uu ballan qaaday wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, isla markaana uu soo dirayo sida ugu dhakhsaha badan.

Aagaasimaha waaxda dhulka ee golaha deegaanka Xildhibaan Maxamed Axmed Aflahaar oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi ”Annagu haddaanu nahay golaha deegaanka degmada Laascaanood waxaanu isla qaadanay in shacabka, dawlada iyo degmadaba loo shaqeeyo, sidoo kalena lala xisaabtamo gudida fulinta, wixii dhaliil iyo dib u dhac ah lagu helana la saxo. Balse aanu golahani caado u lahayn khilaaf iyo tafaraaruq.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply