Hargaysa (Dawan): 17-kii bishii October ee sanadkii 1984-kii oo shalay ku beegnayd waxay ka mid ahayd maalmihii dagaaladdii qadhaadhaa ee dalka lagu xoraynayay ay degaanka Burco-Duurey ku dhex mareen ciidamadii SNM iyo kuwii taliskii Siyaad Barre.
Maalintaas waxaa hadda laga joogaa 34 sanno, waxaanay ka mid ahayd maalmaha taariikhda u galay ciidamadii SNM, taasoo lagu soo ururiyay in ay noqoto hooyadda dagaaladii kala duwanaa ee SNM ay dalka ku xoraynaysay.
Iyadoo xusas balaadhan oo maalintaas lagu weynaynayo ay sanad walba ka dhacaan magaalooyinka Somaliland ayaa shalay waxaa magaalooyinka Hargaysa, Burco iyo kuwo kale lagu qabtay munaasibado lagu xusayay.
Sidoo kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay soo saaray dhambaal hambalyo ah oo uu xuska maalintaas ku waynaynayo, isla markaana ku tilmaamayo siday dhiigoodda iyo naftoodaba xoraynta dalka ugu hureen halgameyaashii SNM dagaaladii dalka lagaga xoraynayay xukunkii dhiig miiratadda ahaa ee Siyaad Barre.
Waxaanu ka sheekeeyay taariikhda halgankii dheeraa ee dalkan Somaliland loo soo maray laga soo bilaabo kii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan uu kula dagaalamayay isticmaarkii Ingiriiska iyo midkii SNM ee ay ka dhalatay gooni isu taaga jamhuuriyadda Somaliland.
“Maanta (shalay) waa xuskii Geesiyaashii naftooda, maalkooda iyo maskaxdoodaba u soo huray xornimadda iyo madax-bannaanida dalkeena xilliyo kala duwan. Ka soo bilaw halgankii gobonimo-doonka Daraawiishta, kacdoonkii Culimida, aqoonyahanka, Suugaanleyda, halgankii gobonimo-doonka ahaa ee Axsaabta Siyaasadda, halgankii hubaysnaa ee SNM iyo halganka naftood hurayaasha ilaa maanta naftooda saymaha u galiya difaaca jiidaha hore ee dalka.
Waxaan ALLE SWT uga baryahaa in uu ka waraabiyo naxariistii janno inta dhimatay, inta noolna, umadda Somaliland waxa waajib ku ah in ay xurmo, xasuus iyo sharafba u hayaan dhammaan geesiyaashii naftooda u soo huray dalkeena”.
“Dhammaanteen, shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee xariirta ah iyo Xukuumadba, waa in aan ka qayb-galnaa sugidda iyo qoraalka taariikhda guunka ah marxaladihii isdaba-jooga ahaa ee dalku soo maray, si jiilalka soo socdaa u bartaan sooyaalkeenii nololeed.
Taasi waxa ay faa’iido u tahay in faca mustaqbalku ka baydho khaladaadkii aynu soo marnay, kuna tanaado waayo-aragnimaddii aynu ka dhaxalnay iyo in ay yeeshaan han iyo isku kalsooni marka ay arkaan taariikhda faca-wayn ee dalkeena. Waxay wax ka taraysaa isku duubnida iyo wada-jirka Qarankeena. Waxa ay dib innoo xasuusinaysaa halgannadii, barwaaqadii iyo maalmihii adkaa ee aynu soo wada marnay”.
Ugu danbayn madaxweyne Biixi ayaa tilmaamay in xurmo iyo xasuus aan duugoobayn ay bulshadda Somaliland u hayso halgameyaashii ku geeriyooday dagaalkii dalka lagu xoreeyay. “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan geesiyaashii naftooda, maalkooda iyo maskaxdooda u soo huray dalka, ee uu ugu dambeeyey halgankii hubaysnaa ee SNM, maalinta Xuska Shuhadada ee 17 October darteed. Waxaanu u haynaa geesiyaashaa dhammaantood xurmo iyo xusuus aan duugoobayn”.
Dhinaca kale munaasibado lagu xusayay maalinta shuhadda SNM ee 17-ka October ayaa lagu qabtay magaalooyinka Hargaysa, Burco, Berbera iyo kuwo kale. Kuwaasoo uu soo qaban qaabiyay jamciyadda mujaahidiinta ee SOOYAAL.
Xafladii lagu xusayay maalinta 17-ka October ee lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda Kalluumaysiga iyo xanaanadda xoolaha, xildhibaano, agaasimeyaal ka tirsan wasaaradaha xukuumadda, xubno ka mid ahaa ururkii SNM iyo qaar ka mida xaasaskii ay ka tegeen kuwoodii geeriyooday iyo marti sharaf kale.
Waxaana munaasibadaasi hadalo ka jeediyay xubno ay ka mid ahaayeen Yuusuf Maydal Cumar, oo ka tirsan jamciyadda mujaahidiinta ee SOOYAAL, waxaanu ka sheekeeyay taariikhda dagaaladii xoraynta gaar ahaan dagaalkii Burco-Duurey ee 17-kii bishii October ee sanadkii 1984-kii.
Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco oo halkaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la ururiyo taariikhda halgan ee ururkii SNM. Waxaanu yidhi “Dal kasta oo caalamka ah jabhadii u soo halgantay ayay mudnaanta siiyaan. Waxaana muhiim ah in la ururiyo taariikhdii SNM”.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland Yurub Abiib, oo xafladda hadal ka jeedisay ayaa balan qaaday in xukuumadda talladda haysaa ay garab taagan tahay sidii loo daryeeli lahaa naafadda iyo caruurihii ay ka tegeen halgameyaashii SNM ee naftoodda soo huray.
Sidoo kale magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa shalay lagu qabtay munaasibad lagu xusayay 34 guuradda ka soo wareegtay maalintii 17-ka October ee shuhadadda SNM.xafladaasi oo uu soo qaban qaabiyay ururka jamciyadda SOOYAAL ee Burco.
Waxaana ka soo qayb galay masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo ka degmadda Burco iyo masuuliyiin kale. Xubnihii kala duwanaa ee munaasibadaas ka hadlay ayaa dhamaantoodba ka sheekeeyay taariikhda iyo qiimaha ay leedahay maalintii dagaalkii Burco-Duurey.
Dawannews Hargeysa office