Safaarada Addis Ababa oo Kulan u Qabatay Ardayda Somaliland

0
332

Addis Ababa (Dawan) Safiir ku xigeenka Somaliland ee Addis Ababa ambasator Maxamed Cabdi Maarshaal ayaa kulan la qaatay ardayda waxbarashada u joogta Ethopia.

Waxaana kulankan soo abaabushay ayaa lagu gorfeeyay intii u socday caqabadaha horyaala ardayda halkaaasi wax ka barata iyo geedi socodkooda waxbarasho.

Safaaradda ayaa xil weyn iska saartay sidii ay ardayda goobtaa joogta ee sharciyadii ay wax ku baranayeen ka dhacday inay meel iska saarto.

Qoraal kooban oo ay safaaraddu ka soo saartay kulankaasi ayaa u dhignaa sidan “Taariikhdu markii ay hayd 16/10/2018, waxa xaflad casho sharaf oo sagootin ah Safaaradda Somaliland u fadhida Dalka Ethiopia oo uu Hogaaminayo H.E. Mohamed Abdi Omar, safiir-xigeenka safaaradda iyo marti sharaf kale oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda warshadaha & maalgashigu ku maamuustay 13 Arday oo wax ka barta Jaamacadda hawaassa ee magaalada hawaasa ee dalka Ethiopia oo xidhay sanadkii labaad, una gudbaya sanadkii 3-aad, ardaydaas oo deeq waxbarasho oo dalka Ethiopia ugu deeqay dalka Somaliland sanadkii 2016-ka ku yimid, casho sharaftan iyo sagootintani waxay dhacday kadib markii ardaydaas 13-ka ah oo ku sugnaa dalka Ethiopia gabi ahaaba aaney qaadan 9 ka mid ahi fiise deganaansho oo ardaynimo halka 4 ka mid ahina ay qaateen balse aaney jiidsan markii ay ka dhacday, ardaydaas oo wajahay cabad wayn oo sharci la’aaneed intii ay ku sugnaayeen dalkan Ethiopia”

“Waxaaney nasiib u yeesheen in safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia u baadi doonto sidii ay u heli laahaayeen sharci ay dalka ku joogaan si ay u sii waataan waxbarashadooda, isla markaana marka la gaadho xiliga xidhitaanka jaamacadda ee (Graduation) ay u helaan si fudud documents-koodii waxbarasho oo si sharci ah uga soo baxay Xafiisyada iyo Jaamacadda ay wax ka bartaan Ee Dalka Ethiopia. Hadaba Safaaraddu waxay galisay juhdi badan iyadoo la kaashanaysa Hay’addaha ay khusayso ee dalka Ethiopia, waxaana loo saameyey sharci degaansho oo ardayinimo”

“Waxa iyaduna jirtay isla sanadkan aynu ku jirno in sidoo kale loo sameeyey sharci deganaasho ardaynimo 9 arday oo ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadda Gondar ee isla Dalka Ethiopia oo iyagana sharcigii joogitaanku ka dhacsanaa mudo badan, waxaa intaa dheer in ardaydan uu ku waajibay iney bixiyaan ganaax lacageed oo qofkiiba gaadhaya $800 iyadoo marka la isku geeyo wadarta guud ay ku dhawaatay lacagta ganaxooda mudo dhaafka iyo kuwa aan sharci hore u qaadanba 19 kun oo Dollar-ka Maraykanka ah, waxaana safaaraddu iska saartay xil wayn sidii ardaydaas looga dhaafi lahaa qadarka lacagta ganaax ah ee ku waajibtay iyadoo codsiyo badan u kala gudbisay dhamaan Hay’addaha ay khusayso ee dalkan Ethiopia isla markana si sharaf leh looga aqbalay codsigii, lagana dhaafay ardayda ganaxii lacageed, loona sameeyey sharcigii dal-kujoogista ee ardaynimo”Ayaa lagu yidhi nuqul ka mida qoraalkii ka soo baxay safaaradda oo soo gaadhay warbaahinta

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply