Weftigii Somaliland oo Kulmo la Qaatay Madax ka Tirsan Dawlada Jabuuti

0
334

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland , Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa ka warbixisay kulamo ay la qaadatay madaxda Wasaaraddaha Waxbarashada , arrimaha bulshada , haweenka iyo urur weynaha haweenka oo ay maamusho marwada kowaad ee Madaxweynaha Marwo Khadar Xayd.

Wasiir Hinda oo khadka taleefanka ugu warrantay wargayska Dawan ayaa sheegtay in dhammaan masuuliyiinta ay kulmeen ay isku afgarteen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal “Waxaan la kulmay dhawr wasaaraddood oo kala ah, waxbarashada iyo xirfadaha, Wasaarada shaqada, haweenka iyo qoyska, Wasaaradda arrimaha bulshada, Ururka haweenka qaranka ee ay xukunto marwada koowaad ee Jabuuti,Khadra Xayd Waxaan sidoo kale la kulmay xarunta tababarada Carta Ninka Haysta oo Talyaani ah iyo 16 ,Xildhibaan oo Aqalka Baarlamaanka Jabuutiya, waxaana ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka qotoda dheer ka dhaxeeya labada dal”

Marwo Hinda ayaa sheegtay in dulucda kulanku uu ahaaa sidii loo xoojin lahaa saaxiibtinimada labad dal iyo isku socodka xuduudaha , iyada oo arrinta ka hadlaysana waxana ay tidhi “Waa sidii aanu u xoojin lahayn saaxiibtinimada labada dal, iyada oo aanu ka billaabayno dhanka haweenka iyo horumarinta siyaasadaha la xidhiidha ka qaybgalka siyaasada ee haweenka iyo waxyaabaha u suurageliyey halka ay marayaan “

Wasiirada oo la waydiyey waxa wasaarad ahaan u gaara ee ay ka wada hadleen ayaa tidhi “waxa aanu ka wada hadalnay Sidii aanu u helilahay saaxiibo dhanka xirfadaha shaqo naga caawiya aqoon ahaan, sidii aanu uga wada shaqayn lahayn arrimaha bulshada ee Xuduuda labada dal iyo sidii loo wada illaalin lahaa Xuquuqda Caruurta Socotada iyo isku xidhka haweenka laba dal ”

Wasiirka Wasaaradda Shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland , Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa sheegtay in ay guul kusoo dhammadeen kulamada ay la qaadatay qaar ka mid xubna xukuumadda Jabuuti , waxana ay tidhi “Dhamaan wasiiradaa aan la kulmay waxaanu isla qaadanay in ay dhamaan arimaahaas kor ku xusan aanu ka wada shaqayno iyada oo ay iga aqbaleen in aan keeno jabuuti shaqaalaha wasaarada qaar ka mida oo si degdega loogu tababarayo xirfadaha fudud ee suuqa shaqada yaala iyo in aan isku xidhno tiim farsamo oo ururiya baahiyaha jira”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply