Xarun Caafimaad oo Laga Hirgeliyay Xaafadda Magaallo Cad ee Berbera

0
380

Berbera (Dawan): Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland Naasir Cumar Yare, ayaa shalay xadhiga ka jaray xarun caafimaad (MCH) laga hirgeliyay xaafadda magaallo cad oo ku taalla magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil.

Xaruntan caafimaad ee laga hirgeliyay xaafadda magaallo cad ee Berbera ayaa waxaa hirgelinteedda iska kaashaday wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo dawladda hoose ee Berbera. Waxaana dawladda hoose ee Berbera lagu amaanay kaalinta muuqata ee ay ka qaadato horumarinta adeegyadda caafimaadka magaaladda.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Naasir Cumar Yare, oo hadal ka jeediyay xadhig ka jarista xaruntan caafimaad ayaa tilmaamay in horumarka adeegyadda arrimaha bulshadda ee ka socda Berbera ay ka dhasheen isku duubnidda dawladda hoose iyo dadweynaha magaaladda.

Waxaanu yidhi “Haddii aanay wada shaqayni jirin, oo la isku buuqayo, oo la is eryanayo waxba lama qaban karro. Isku duubnidaas maamulka gobolka iyo ka degmadu waxay keentay in bulshaddii golaha degaanka soo dooratay loo adeego. Intii karaanka ah iyo wixii la hayo ee khayraadka kooban ah, ee la haya na in si fiican looga faa’iidaysto”.

Maayarka Berbera C/shakuur Maxamuud Cidin, oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in bulshadda Berbera ay heleen gole degaan oo u heelan sidii ay dadweynaha uga haqabtiri lahaayeen adeegyadda aasaasiga ah.

C/shakuur Cidin oo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Waxaad hesheen, oo aad nasiib u yeelateen oo aayihiina iyo mustaqbalkiina iyo horumarinta adeegyadda aasaasiga ah, oo weliba idinla tashadda. Idinku na waa in aad ku xisaabtantaan in aad idinku leedihiin.

Waana adeegyadda ay xaafadu leedahay, wixii goobtan yaalaa na waa mid bulshadda degaanka oo dhan loogu adeegayo”.

Geesta kale badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan, waxaanu ku amaanay dadweynaha xaafadaasi in diyaar u yihiin sidii ay maamulka dawladda hoose uga gacan siin lahaayeen barnaamijyadda horumarineed ee loo qabanayo.

“Muddo todobaada gudaheed, waa markii labaad ee mashruuc horumarineed oo xadhiga laga jarayo aanu u nimaadno xaafadan. Qofku marka wax loo qabto, ee isagu na wax qabsado ayay cid waliba ku soo dhiiranaysaa.

Xaafadani inta aan gobolka joogay, way ka duwan tahay xaafadaha kale. Waxaanad diyaar u tihiin in aan gacan siisaan golaha degaanka ee wax walba diyaarka idiinla ah”ayuu yidhi Eng. Axmed Cismaan.

Furitanka xaruntan caafimaad waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta heer gobol ee Saaxil iyo heer degmo ee Berbera, isu-duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Saaxil iyo masuuliyiin kale.

Waxaanay masuuliyiintaasi kula dar-daarmeen bulshadda xaafadaas degan in ay ilaashadaan MCH-ka, isla markaana ay u dabooli lahayd baahiyaha caafimaad ee ay qabaan.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply