Hargeysa (Dawan) Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland mudane Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed ayaa digniin u dirtay siyaasiyiinta ka qayb galla munaasibaddaha qalinjabinta jaamacaddaha, waxaanu u soo jeediyay in aanay kaga hadal arrimo ku saabsan siyaasadda, balse ay ku koobnaadaan kaliya arrimaha la xidhiidha tacliinta ee xidhiidhka la leh xafladdaas.
Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inuu ka xaalmarinayo ardayda iyo waalidiintaba hadaladda xanafta leh ee munaasibadaha qalinjabintooda leysku dhaafsanayo.
Hadalkan wasiir ku xigeenka ayaa ku soo beegmaya iyadda oo maalmihii ugu dambeeyay ay goobaha ardayda ka qalin-jabinaya jaamacaddaha ay siyaasiyiinta mucaaradka ahi ka jeedinayeen hadalo xanaf leh, kuwaas oo wax lagaga sheegayay hogaaminta madaxwaynaha Somaliland.
Waxaanu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay telefiishanka Eryal Tv, waxaana hadalkiisi ka mid ahaa “Ma habboona in xafladaha ardayda qalinjabinaysa lagaga hadlo wax aan wacnayn, halkii ay ahayd in ay ardayda u yimadaan ee ay la farxi lahayeen ee waliba ay hadyado siinlahayeen, in arrimo siyaasadeed lala soo koro oo waliba mid fool xun lagaga shekeeyo aad ayaanu uga xunnahay, shacabka Somaliland, aqoon yahanka, jaamacaddaha, ardaydii qalin jabisay iyo waalidiintooda waanu ka raali-galinaynaa wixii maalmahan saxaafadda ka socday ee bulshadu maqlaysay, waanan ka xun nahay hadaanu nahay wasaaradii waxbarashadda”
Sidoo kale wasiirku xigeenku waxaa uu soo jeediyay masuulkii goobta qalinjabinta yimaada in aanu la iman wax aan khuseyn munaasibadda ubadkani loo qabanayo. balse carruurtaas cid kasta oo u timadaa ay la faraxdo.
“Jaamacaddaha, iskuuladda iyo cidii xaflad qabsaneysa waxaan kula dardaarmaya in aanay siyaasad galin waxbarashada, shir deg dega ayaanu qaban doonaa, waxaana naga go’an in aan waxbarashada la siyaasadeyn,” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo sayniska Somaliland mudane Cabdilqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed.
Dawannews Hargeysa office