WEEDHA WARGEYSKA La Kala Dheeree Orod Se Maaha

0
373

Dalka Itoobiya waxaa uu shaaca ka qaaday in sannadka 2019-ka ay markii ugu horreysay hawada sare u dirsanayaan dayax-gacmeedkii ugu horreeyey oo uu yeesho dalkaasi.

Warkan waxaa baahiyay xafiiska isgaadhsiinta ee dalka Itoobiya Khamiistii dorraad, waxaana uu intaas ku daray In sameynta dayax-gacmeedka Itoobiya ay iska kaashadeen Khubaro ka kala socota Itoobiya iyo Shiinaha.

Madaxa machadka teknooljiyadaha hawada sare ee Itoobiya Dr. Selemon Belay, wuxuu cadeeyay ka sokow sameynta Aaladda in la dhammeystiray fasaxii caalamiga ahaa ee looga baahnaa iyo diiwaangelinta ceymiska intaba. “Waxaanan si rasmi ah dayax-gacmeedka hawada sare aan u direynaa sanadka 2019-ka.” Ayuu yidhi

Dayax-gacmeedka oo hawada sare looga dirayo dalka Shiinaha waxaa uu Itoobiya ku soo gaadheyaa afar maalmood gudahood.

Dayax-gacmeedkan oo miisaankiisu yahay 70 kiilo waxaa loo adeegsan doonnaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xidhiidha Beeraha, Biyaha, macdanta iyo horumarrinta magaalooyinka.

Waxaana uu awood u leeyahay 54 maalmood inuu dunida oo dhan ku soo wareego, Itoobiyana hadalkeedda iska dhaaf.

Itoobiya markan waxaa ay ka mid noqoneysaa 7-da dal ee qaaraddan Afrika ku yaalla oo yeesha dayax-gacmeed iyaga u gaar ah, waxaa hore dayax gacmeedyo hawada sare ugu diray waddamada Masar, Koonfur Africa, Nayjeeriya, Ghana, Angola iyo Kenya.

Somaliland aan u soo noqonno, Khamiistii marka uu soo baxay warkan tilmaamaya in Jaarkeennii Dayaxa sahan u dirtay, waxaa isna barbar socday oo la shaaciyay natiijadda dagaal beelleed ka dhacay Gobolka Sool Isniintii iyo Salaasaddii todobaadkan dhamaaday, kaas oo keenay dhimashadda dad ka badan 70 ruux. Islamarkaana ay ku dhaawac meen 131 ruux oo kale.

Waxaa lagga yaabaa in aynu nidhaa la iskuma dhererin karro. Sababtoo ah waa dal dunnida u tirsan oo guun ah Ethiopia. waa dal ka mid ah kuwa ugu horreeya dhinaca koriinka dhaqaalaha. laakiin, ogow, waa dalka inoogu xigga ee aynu tusaalle ka dhigan karro marka aynu doonayno inaynu xagga hore eegno, hadaa ma Soomaaliya oo dunnidu u taqaan dalkii fashilmay ayaynu isku dhererinaa. Waa inaynu dal ina dhaamma eegganaa oo aan dhaqan ahaan iyo dhul ahaan toonna inooga fogeyn, si aynu u garrano halka hoose ee aynu jiifno aqoon ahaan, caafimaad ahaan, wax soo saar ahaan iyo dhinac kasta.

Waa run, iyagga qudhoodda qalalaase qabyaaladeed ayaa ka jira laakiin, waa heer qoomiyadeed waanu raggaadiyay beryahan. Waa run iyagga qudhoodda waxaa sidoo kale haggaasisay oo lagu dhaliilaa in aanay ka jirin Xisbiyo tartama oo si cadaalad ah kursigga ugu sareeya ugu loolama iyo xoriyad saxaafadeed. Taas oo Somaliland lagu majeerto.

Marka aynu kuwaas, laftoodda eegno, waqtigan waxaad moodaa inay iyagga qudhoodu dhinac aan ahayn xaggii horumarka inoola kaceen oo Xisbiyaddii waxaa ay u ololeeyeen hannaan beeleed ileyn ma aha cid kale’ oo waa halka ah muraayadeenna ee laga arki karo heerka/ama garaadka bulsho ahaan aynu joogno’e.

Xisbiyadda waxaa aynu ugga jeednay in aynu kagga gudubno qabyaallada. Laakiin, ma ay ahayn inay koriyaan oo u muuqdaan beello wax kala riixanaya. Iyaddoo la hubbo in aan beellina xisbi waxba ku qabin si kasta oo ay isu siiso ama loo siiyo oo loogu riixo. Sidoo kale, warbaahintii waxaa ay inagga noqotay yooyootan, halkii ay wax innaga bari lahayd, islamarkaana wacyigga ummada ka korin lahayd.

Ugu dambayntiina, muwaadin, haddii aynu rabno inaynu guul-gaadhno waa inaynu si waddar ah u diidno dulliga ina heeray oo ah Qabyaalad iyo qowlaysato ku shaqeysata, balse aan fahmin iyagga qudhoodu in lagu hoos jiro oo cida kale baahidooda uga faa’iidaysanayaan. Waxaanan isku waaninaynaa oo qallinku ku leeyahay akhriste ka qayb-qaado oo taageer Qorshayaasha is beddal ee Xukuumaddaada oo doorkaaggu ha noqdo mid wax tar leh ee aan qarankiisa wax yeello u lahayn af iyo addin toonna. Hadii taasi daacad kaa noqoto oo aynu run ku wadda shaqeyno waa hubaal inaynu waqti kooban ugu gudbayno heer sare Rabbi ha ina garabgallo.

Dawannews Hargeysa office

 

 

 

Leave a Reply