Xukuumadda oo Gurmad Dawo ah Gaadhsiisay Cisbitaalka Laascaanood

0
354

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda caafimaadka jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadashay adeegii caafimaad ee loo fidiyay dhaawacyadii ka dhashay dagaal beeleedkii 3 maalmood ka hor degaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sool ka dhacay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in ay si wanaagsan uga hawl galeen daawaynta dadkii dagaalkaas ku dhaawacmay oo intooda badan la dhigay cusbitaalka Laascaanood iyo sidoo kale cusbitaaladda Burco iyo Hargaysa.

Dr. Xergeeye, ayaa tilmaamay in isla maalintii uu dagaalku dhacay ba ay wasaaradda caafimaadka Somaliland abaabushay dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyeyaasha caafimaad ee jooga Laascaanood, isla markaana ay u direen magaaladda Laascaanood baabuur weyn oo siday daawooyin.

“Wasaaradda caafimaadku way ka hawl gashay arrintaa isla markii la ogaaday in dagaalku dhacay ba. Waxaanay markiiba wasaaradu abaabushay dhakhaatiirtii iyo kal-kaaliyeyaashii caafimaadka ee joogay gobolka Sool iyo goboladda u dhaw, iyadoo diyaar laga dhigay.

Iyadoo runtii kayd daawo ah oo ku filan-na uu marka hore ba yaalay Laascaanood, isla subaxii labaad waxaanu ka dirnay magaaladda Hargaysa gaadhi Waaraad ah oo siday daawo, oo uu sii kexeeyay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool, oo aanu ku amarnay in daawadaas la gaadhsiiyo meel kastoo uu dhaawacu yaalay.

Waxaana daawadaas badi la geeyay cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood, loona gudbiyay meello kale oo uu dhaawac yaalay sida cusbitaalka Gar-gaar ee ku yaala magaaladda Laascaanood oo ah cusbitaal gaar loo leeyahay, oo daawadaas aanu gaadhsiinay, si loogu adeego dadkaasi”ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland oo shalay u waramay telefishanka ERYAL.

Agaasimaha guud waxa kaloo uu sheegay in dhaawacyada qaarkood la soo gaadhsiiyay cusbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa, kuwaasoo wixii dhaawacoodu fududaa ay cusbitaalka ka baxeen halka weli ay jiraan qaar ay daawayntu u socoto.

Waxaanu yidhi “Dhamaanba dhaawacii ka dhashay dagaal beeleedkii Dhumay, 90% waxa uu soo gaadhay magaaladda Laascaanood, iyadoo lagu daawaynayay, kuwaasoo dhaawacyadooduna ay badi ahaayeen kuwo fudud oo markiiba wax loo qabtay.

Way jireen dhaawacyo laga soo gudbiyay Laascaanood, oo la soo gaadhsiiyay Burco iyo Hargaysa. Imika na waxaa yaala cusbitaalka guud ee Hargaysa ilaa 20 qof oo dhaawac ah, oo weli sii jiifa. Iyadoo wixii la daaweeyay ee lad-naaday na ay hore uga baxeen cusbitaalka, kuwii aan weli lad-naanina ay ku jiraan”.

Sidoo kale Dr. Cali Xergeeye, waxa uu beeniyay warar la isla dhex marayay oo sheegayay in wasaaradda caafimaadku ay ka gaabisay daawaynta dhaawacii dagaalkii beeleedkii Dhumay.“Waxaan halkan ka cadaynayaa in wasaaradda caafimaadku ay isla markiiba ka hawl gashay sidii loo daawayn lahaa dhaawacii ka dhashay dagaal beeleedkii ka dhacay koonfurta Laascaanood. Iyadoo isla markiiba la diray shaqaale ku filan, gaadiid ku filan iyo daawo ku filan, isla markiiba na si xooga ayaa loog hawl galay.

Markaa halkaa wax loogu dhaliili karo wasaaradda caafimaadka in ay ka gaabisay ama guud ahaanba qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo dhaawacii dagaalkaas ka dhashay ah ma jirto”ayuu yidhi Dr. Xergeeye.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland waxa uu ka hadlay qaar ka mid ahaa dadkii dagaal beeleedkii Dhumay ku dhaawacmay oo la sheegay in Muqdisho loo qaaday, isagoo na xusay in aanay haboonayn in la siyaasadeeyo haddii qof ama laba ay eheladiisu meel kale u qaadaan.

Dr. Xergeeye oo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Dadku marka ay dhaawacmaan ehel ayay leeyihiin, qof ama laba haddii eheladiisu ay meel kale gaysanayso way dhacdaa. Muqdisho maahee Turkigaba waa la geeyaa, Jabuuti ayaa la geeyaa. Xataa meello kale qofkii ehelkiisa gaysanayaa way u furan tahay, asalkaba na caafimaadku siyaasad ma gallo.

Dadkii dagaal beeleedka Dhumay ku dhaawacmay na, labada dhinac ba dadkayaga weeye, waa dad reer Somaliland ah, wasaaradda caafimaadka jamhuuriyadda Somaliland ayaana masuul ka ah dadkaas dhaawacmay, cid kaloo masuul ka ahi ma jirto. Markay noqoto wasaaradda caafimaadka na, dadkaasi waa isugu mid”.

Waxaanu intaas ku daray “Sharciga caafimaadka na marka la dagaalamayo, ee dagaal dhaco dadka caafimaadka ku jira ee labadda dhinac ba, waxay masuuliyadi ka saaran tahay, dadka labadda dhinac ba in ay daaweeyaan. Tana waa dagaal ehel, oo waa mid laba beelood oo walaalo ah, oo wasaaradda caafimaadku masuul ka tahay, wax la siyaasadeeyana ma leh”ayuu yidhi agaasime Xergeeye.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply