Dowladda oo Mamnuucday in lagu Safro Nooc ka mid ah Gadiidka

0
353

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka mamnuucday gadiidka yar yar ee loo yaqaan VITZ “Dukhaanka” in ay u kala gooshaan gobollada iyo dagmooyinka dalka, kadib markii uu batay shilkoodu. Sidoo kale gadiidka loo yaqaan Noohada ayaa lagu amray in aanay qaadi karin rakaab ka badan 7 qof, waxaana sidaasi lagu sheegay War-saxafadeed kasoo baxay xafiiska Wasaaradda.

Markaan Arkay: Qodobka 20aad iyo 42 aad ee xeerka wadista gadiidka (Xeer L/r/56/2013) .

Markaan arkay :qodobka 25 aad farqadiisa 8 aad ee xeer nidaamiyaha dhismaha wasaaradaha iyo ha’ayaddaha xukuumadda (Xeer l/r 01.2018) oo tilmaamaya wasaaradda gadiidka iyo horumarinta jidadka inay maamusho adeegyada isu socodka dadka iyo alaabta islamarkaana xaqiijiso isku gudubka badeecadaha iyo adeegyada xamuulka ee waddanka.

Markaan helay: warbixin ciidanka nabadgelyada wadooyinka oo tilmaamaysa in gadiidka yaryar ee loo yaqaan (VITS) ee qaada rakaabka dadweynaha u kala goosha degmooyinka iyo gobolada dalku ay keenaan shilalka ugu badan madaama ay wadayaashodu yihiin kuwo aan xirfad lahayn sida oo kale aan haysan ruqsada wadida gadiidka dadweynaha.

Markaan tixgeliyey: baahida weyn ee loo qabo badbaadinta nafta iyo maalka dadka taasi oo lagama maarman ka dhigaysa in lakala nidaamiyo gadiidka xamuulka qaada ee ukala goosha magaaloyinka dalka

Waxaan go’aamiyey;

In wixii ka yar baabuurta loo yaqaan Toyoto Noah aanay qaadi Karin rakaab u kala gooshaya gobolada dalka

In gawaadhida Noah-da aan loo ogolayn in ay qaadan rakaab ka badan 7qof marka laga reebo darawalka.

Ciddii u hoggaansami wayda awaamirta wareegtadan , waxa lagu ganaaxi doona si waafaqsan xeerka wadda marista gadiidka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply