Arday Laxaadka Gacmaha La’a oo ka Qalinjabiyay Dugsi Sare

0
387

Gabiley (Dawan)- Dayib Axmed Cabdillaahi waa muwaadin reer Somaliland ah, oo degan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley.

Dayib Axmed waa arday ay laxaadka gacmuhu ka maqan yihiin. Isaga oo sheegay in uu ku dhashay gacmo la’aanta.

Dayib waxa uu ku dhashay miyiga magaalada Gabiley, halkaasi ayuu ku koray, kuna barbaaray yaraantiisi oo uu joogay illaa intiii uu ka qaangaadhayay.

Intaasi wixii ka danbeeyay waxaa uu sheegay in reerkoodii ay ka soo guureen dhanka Baadiyaha islamarkaana ay u soo guureen xaga magaalada, taasi oo horseed ka noqotay soo celinta rajadii mustaqbalkiisa ee inta badan mugdiga ku jirtay ee uu mar uun sugayay in uu arko isaga oo waxbartay oo ka baxay jaahilnimadda.

Sidoo kale, waxa uu is dultaagay caqabadkasta oo ka hor timid iyo sidii uu uga gudbay, iyo midhihii guusha kudayashadda mudan lahayd ee uu ka dhaxlay.

Dayib Axmed Cabdillaahi waxaa uu sidan ka sheegay warbixin dhinacyo badan ah oo uu siinayay Astaan Tv.

Dayib Axmed Cabdillaahi waxaa uu si qoto dheer u faahfaahinaya marxaladihii kala duwana ee dhanka nolosha ee uu soo maray waxaanu yidhi “Waxaan ku dhashay Baadiyaha magaalada Gabiley, gacma la’aantana waan ku dhashay, inkasta oo aan nin curyaana ahey hadana wixii Illaahey keenaba waa Illaahey mahadii, aniga oo sidana hadana marxalado kala duwan ayaan soo maray intii aan miyiga joogey, inta badan Geela, maan raaci jirin ee Adhiga, Maqasha, wixii karaankayga ahaa ayuun baan qaban jiray.

Markaad waynaato ayuun baa wax walba aad dareentaa, hase ahaate markaad yar tahay wax badan dareemi meysid, sanadkii 2007-dii markii aan qaangaadhay ayaan ku hamiyay sidii aan wax u qabansanlahaa”

Dayib sidoo kale waxaa uu u sharaxay sidii ay ugu suuragashay in uu waxbarto isaga oo labada gacmoodba la, waxaanu yidhi “Intii aan baadiyaha joogay iimay suuragalin in aan waxbarto waayo marka aanad magaalada cid ku laheyn waa ay ii suuragalli weyday in aan cid kale dulsaar ku noqdo, taasi ayaana caqabad igu noqotay, markaa sanadkii 2007-dii oo ay xaafadayadu u soo guurtay magaalada Gabiley ayay ii suuragashay inaan bilaabo in aan waxbarto, curyaanimaddu mid uun maaha, waxbarasho la’aantu waa qayb ka mida curyaanimadda, oo isaga oo sidiisa kale u dhan, ayuu hadana xagii aqoontii ka curyaan noqonayaa, xafiiska iskuulka ayaan ugu imid waxaanay igu yidhaaheen ‘adigu dadka waad ka duwan tahay, ee farbarasho ayaad u baahan tahay ee xafiiska marka uu macalinku soo baxo ayuunbu wax kugu qori ayay ugu yidheen maamulkii dugsigu’ fasal ayaa ley fadhiisiyay wixii intaasi ka danbeeyay waxaan xasuustaa in gabi ahaanba ardaydii waa ay ii soo wada daawasho tageen, saaxiibaday ayay noqdeen oo mashquulkii waa ay ka baxeen, intaasi kadib saaxiibo dhaw ayaanu noqoney oo waanu is dhexgalay intii karaankeyga ahna waan dadaali jiray”

Ugu danbeyn Dayib Axmed Cabdiillaahi waxaa uu is dultaagay caqabadkasta oo soo martay sidii uu u soo afjaray ee uu kaga soo gudbay waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Caqabadihii i soo maray waxaan kaga gudbay oo aan ku soo afmeeray waxaan is idhi wax allaale waxaad qabsan karto waxaa ay doontaba ha ahaate, wixii qayrkaa qabsaddaba qabso, oo waxbaro ileyn aduunka wuxuunbaa lagaga gudbaaye in doora ayay igu qaadatay in aan waxbarashadeyda aan hirgaliyo, caw ayaan ku fadhiisan jiray oo safka hore ee ardayda la ii dhigaa, waxbarasheyda dugsi hoose dhexe ilaa sare ayaan soo waday sanadkan 2018 ayaan soo khatimay tii dugsiyadda, waanan sii wadayaa hadii wakhtigu ii saamaxo ilaa heer jaamacadeed, imikana jaamacadii waan is diwaangeliyay, dhameystirka waxbarashadeyda aniga uunbaa isdabari jiray, rabitaankayga mustaqbalkuna waxaa uu yahay in aan u ololeeyo dadka ila midka ah ee baahiyaha gaarka ah qaba ee naafadda ah, oo aan wax la qabto tayadooda aqooneedna aan kor u soo qaado Insha Allah”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply