Wasiir Sacad oo ka Hadlay xidhiidhka Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti

0
348

Jabuuti (Dawan):- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo dalalka Itoobiya iyo Jabuuti uu yahay xidhiidh soo jireen ah oo walaalnimo oo aan marnaba gaabis noqon. Isla markaana ay saddexda dowladood iska kaashadaan ay arrimo badan.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad oo socdaal shaqo ku jooga dalka Jabuuti oo u warramay VOA-Somali waxaa kale oo uu xusay in Somaliland iyo dalka Jabuuti xidhiidhka ay leeyihiin in uu yahay mid aan loo baqayn islamarkaana ku dhisan, walaalimo, derisnimo iyo iskaashi heer dawladeed ah.

Dr. Sacad oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Horta waddankan Jabuuti waa waddan aanu jaar nahay, aanu saaxiib nahay. Mana aha waddan naga fog. Socdaal iyo safarka aanu Jabuuti ku nimi waxa uu la xidhiidha sidii aanu xidhiidhka labada dal ee imikaba jira aanu u sii adkayn lahayn ee aanu u sii xoojin lahayn.

Waxaanu la kulannay wasiirka arrimaha dibedda dalka Jabuuti, waxaanu ka wada hadalnay arrimaha mandaqada iyo sidii aanu iskaga kaashan lahayn dhinacyada ganacsiga iyo nabad gelyada, tababarka, iyo isu socodka labada dal. Mana jiro wax gaabis ah oo ku yimi xidhiidhka labada dal. Dhawaanna waxaa safar ku timi wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, wasiirka caddaaladda, markaa mar kasta dalalka Somaliland iyo Jabuuti xidhiidh walaalnimo oo aad u qoto dheer ayaa naga dhexeeya oo inuu sii koro mooyaane aan marnaba gaabis noqonayn.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay xidhiidhka dalalka Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay in maanta uu marayo xidhiidhka labada dal halkii ugu wanaagsanayd “Itoobiya iyo Somaliland xidhiidhkoodu meel wanaagsan ayuu marayaa. Xidhiidhkooduna waa mid aad u weyn oo labada dawladood arrimo badan iska kaashadaan, imikana waxaa ugu dambeeyay ardaydii deeqda waxbarasho ee Itoobiya ay na siisay oo ahaa tiradii ugu badnayd oo sadex

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply