Xildhibaan Axsaabta Mucaaridka ah uga Digay Tallaabo ay ku Waayi-karaan Xisbinimadooda

0
344

 

Hargaysa (Dawan):- Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID uga digay in ay ku kacaan tallaabo ay ku waayi karaan xisbinimada oo ay kaga bixi karaan saaxadda siyaasadda dalka oo ay hore ugu sheegeen in ay samaynayaan.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in aanay asxaabta qaranku ka waynayn sharciga dalka u yaalla oo cid kasta uu sharcigu ka sarreeyo. waajibna ay tahay ku dhaqankiisu.

Waxaa kale oo uu caddeeyay xildhibaanku in madaxweyaha qarankain ay ka go’antahay in doorashooyinkagolahawakiiladda iyo goleyaasha deegaanku in ay dalka ka qabsoomaan laakiin xisbiyada mucaaridka dhankooda ay dib uga dhacayso doorasho dalka ka qabsoontaa oo ay si cad u diideen in ay la shaqeeyaan gudida doorashooyinka oo uu sheegay in ay markii hore ku kalsoonaayeen oo ay kalsooni buuxda ku qabeen kulana soo shaqeeyeen kuna qanceen doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay ee ay aqbaleen natiijadeeda.

Xildhibaan Maxamed Jaamac,ayaa sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu shalay siiyay wargayska Dawan.

Xildhibaanka oo ugu horrayn lawaydiiyay doorashooyinka golaha wakiiladda iyogoleyaasha deehaanka iyo caqabadaha hor taagan waxaa uu yidhi. “Doorashada Golaha Wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanka waxay ka qabsoomi wayday xisbiyada mucaaradka Xisbiga Waddani waxa uu yidhi komishanka doorashooyinka doorasho noo qaban maayo,wax alaale wax sharciya oo ay ku diidayaan ma jirto waxaanay keenaysaa in doorashadu dib u dhacdo waxaana ku raacay xisbiga UCID oo yidhi hala kordhiyo tirada komishanka doorashooyinka waxaana ku taageeray xisbiga Waddani in aanay doorashadu qabsoomin. Madaxweynaha Somaliland iyo golaha wakiiladuba waxay diyaar u yihiin in ay doorashada golaha wakiiladu qabsoonto madaxweynuhuna awood badan ayuu saaray sidii doorashada golaha wakiiladu u qasoomi lahayd,haddii aynaan gudaheena isku raacsanaan in doorashadu qabsoonto oo xisbiyadu aanay isku raacsanaan qaabka ay u qabsoomayso doorashadu qabsoomi mayso,cabashada xisbiyada mucaaradku sharci maaha oo beesha caalamka ayaa goob joog ka ahayd sidii ay u qabsoontay doorashadii Madaxtooyadda maxkamada sare way cadaysay xisbiga Waddani ayaana ka tanaasulay markaa way aqbaleen natiijadii doorashada caddaalada Komishanka doorashooyinka way ku kalsoonaadeen madaama oo ay aqbaleen go’aankii komishanka doorashooyinka.”

Xildhibaanku waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaradku aanay qaban karin shir beeleed haddiise ay ku talaabsadaan ay lumin doonaan xisbinimadooda.waxaanu yidhi“Markaa in ay yidhaahdaan shir beeleed ayaan qabanaynaa oo ay inoogu danbaysay 1997 kii oo aynu soo dhaafnay dastuur ayaana jira markaa ma waxa ay odhanayaan dawladi ma jirto, waxaana imanaysa in ay jabiyaan shuruudihii xisbinimo waxaana imanaysa in maxkamad la geeyo waxaana tilmaamaya xeerka 14. sidaa daraadeed waxay noqonaysaa in la qabto doorasho ay ku tartamaan ururo siyaasadeed , sharcigana kama sarreeyaan xisbiyada mucaaradku sharciga ayaa lagu soo dabbaali lahaa xukuumad ayaanu shacabku u doortay talada dalka xukuumadda ayaana u igman wixii dastuuriya.”

Xildhibaanku waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in la isu yimaaddo oo laga wada hadlo arrimaha saami qaybsiga kuraasta golaha wakiiladda. “Saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada gobol waliba waxa uu doonayaa in 20 xildhibaan ay helaan waxaanay u baahantay in layskaga yimaado oo xisbiyada iyo xukuumaddu ka heshiiyaan iyadoo la dhegaysanayo shacabka gobolada dalka,waxaana suurtagal ah in la yareeyo tirada xildhibaanada golaha Guurtida oo la kordhiyo tirada xildhibaanada golaha wakiilada,waxa kale oo suurtagal ah in la kordhiyo tirada xildhibaanada aan beesha dhexe ahayn si ay u noqoto matalaad sharci,”.

Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu usoo jeediyay shacabka Somaliland in ay ilaaliyaan midnimada.waxaanu yidhi“Shacabka Somaliland haddii ay midnimada waayaan aqoonsi heli maayaan kursigana maalinba nin baa ku fadhiya kan maanta cabanayaa berri ayuu ku fadhiisan doonaa kursiga madaxweynenimo,haddii uu xisbinimo ka dhigi waayo oo uu reernimo ka dhigo berri ka maalin reero ayaa iman doona, midnimada dadka reer Somaliland waajib ayay ku tahay dadka waana mid lagama maarmaan ah ninka madaxda caayaa madax ma noqdo.markaa waa in madaxweynaha loo arkaa in uu yahay madaxweynihii qaranka Somaliland madaxweynuhuna sidaas ayuu aaminsanyahay,waanu ka hadlay waxaanu yidhi wixii tabasho ah waynu ka wada hadli doonaa salaadiin ayuu la hadlay markaa waxaan leeyahay qabyaaladu wax bay baabiisaa ee waxba ma hagaajiso.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply