“Haddii Xisbiyada Mucaaradku Dalka u Tudhi Waayaan Sharci lagu Xakameeyo ayay Golaha Wakiiladu soo Saari Doonaa”… xildhibaan Xaamud

0
370

Hargaysa (Dawan): Guddoomiye ku xigeenka guddi hoosaadka ilaalinta iyo Dabagalka Hantida qaranka golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in hantidhawraha guud u soo gudbiyay guddidooda xisaab xidhkii miisaaniyad sannadeedkii 2017-kii.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo shalay u waramayay wargayksa Dawan waxa kale oo uu sheegay in ay sharciyad ku fadhiyaan komishanka doorashooyinka. Waxaanu intaasi ku daray in xeer jidaynayo tirada xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka.

Waxaanu yidhi “Xisaab-xidhkii miisaaniyad sanadeedkii 2017-kii ee xukumadda waxa loo soo gudbiyay guddida ilaalinta iyo dabo galka Hantida qaranka ee golaha Wakiilada. Guddida ayaana iskaga imanaysa laba ilaa saddex toddobaad ayay qaadanaysaa inta guddidu naaqishayso.

Meelaha ay khusaysa na waanu ka waraysan doonaa xisaab-xidhkii hore na qaylo badan ayaa ka dhacday, laakiin anagu sharciyada ayaanu ilaalinaynaa, wada shaqayn ayaana naga dhaxaysa hanti dhawraha guud ee qaranka sida dastuurku sheegayo”.

Xildhibaan Xaamud oo ka hadlayay arrinta komishanka doorashooyin waxa uu yidhi “Komishanka doorashooyinku sharciyada ayay ku fadhiyaan. Muddo xilood koodiina sanad ayaa uga hadhsan xaq na way u leeyihiin in ay muddo xileed kooda dhamaystaan. Dastuurka ayaana jidaynaya sharcinimada Komishanka doorashooyinka qaranka, tirada xubnaha Komishanka dorashooyinka wax waliba na xeer ayay ku salaynayn yihiin”.

“Xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID waxay ku dhawaaqeen in ay qaban doonaan shirbeeleed aynu ka soo gudubnay, xeer LN. 14 waxa uu sheegayaa wakhti kastoo doorasho la qabanayo in la furo ururrada siyaasada sharciyad lagu xakameeyo ayuu soo saari doonaa golaha Wakiiladu, haddii xisbiyada mucaaradka u tudhi waayaan dalka”ayuu yidhi xildhibaan C/qaadir Xaamud.

Sidoo kale xildhibaanku waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu ixtiraamayo sharciga dalka u yaala, waxaanu u soo jeediyay xisbiyada mucaaradka in aanay isticmaalin uun ku jiq sii.

Isagoo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Madaxweynuhu waa kii sheegay in albaabkiisu u furan yahay, sharciga dalka u yaalana uu ixtiraamayo. Xisbiyadu na maalmihii ugu danbeeyay waxay ka hadlayeen doorashooyinka in ay miiska wadahadalka la isugu yimaada na waa loo baahan yahay,

Dalku na waa dal soo koraya, maalin kasta na dhalinyaro bilaa camala ayaa soo kordhaya, in ku jiq sii la isticmaala na looma baahna”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply