Eng. Xuseen Dayr oo naqdiyay arrinta hadal-haynta badan Keentay ee ku qoran buuga ‘Miyiga illaa Madaxtooyada’
Hargeysa (Dawan)- Eng. Xuseen Aadan Cige (Dary) oo ahaa Afhayeenkii hore ee xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, ayaa ka hadlay buugga ‘Miyiga illaa Madaxtooyada’ ee uu qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan, isaga oo tilmaamay in xilligii uu buugaasi kala shaqaynayay qoraaga aanay ku jirin arrinta hadal haynta badan dhalisay. Waxaanu sheegay in xogta, sirta iyo hadallada ku duugan buugaasi ay u gaar yihiin qoraaga.
Eng. Xuseen Dayr waxa kale oo uu sheegay in ay tahay fal-dambiyeed qaran, cid kasta oo sifo sharci darro ah u gudbisa xogta qaranka, isla markaana siraha xafiiska madaxweynahauhu ay ka mid yihiin xogta qaranka jamhuuriaydda Somaliland. Cid kasta oo gudbisa sirta Madaxweynaha, iyaga oo aan ogolaansho qoraal ah haysanina, ay la mid tahay cid gudbisay xog ama sir uu qaranku leeyahay. Waxaanu tilmaamay in lagu dacwayn karo sifo sharciga waafaqsan.
Eng. Xuseen Aadan Cige Dayr, oo aannu wax ka waydiinay aragtidiisa la xidhiidha buugga ‘Miyiga illaa Madaxtooyada’ ee uu qoaray Xisi Cali Xaaji Xasan, buugaasi oo maalmihii u dambeeyay ay bulshadu aad u hadal haysay, isaguna uu ka mid yahay dadka loogu mahad naqayo buugaasi, ayaa ku jawaabay “Waa run oo maalmahan waxay bulshadu aad u hadal haysay buugga “MIYIGA ILAA MADAXTOOYADA” ee uu qoray hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, kana qoray sooyaalka Taariikh nololeedkiisa.
Haddaba, aniga qof ahaan qoraagu buugiisa wuu iigu mahadnaqay, habeenkii buugga la daah-furayeyna si weyn oo mug leh ayuu madashii iigaga mahad naqay.
Bulshadu waxay is weydiin karaan: muxuu Xuseen Deyr ku mutaystay mahadnaqa uu Xirsi sida gaarka ah ugu mahad naqay, muxuuse ka ogaa buugaa hadal-haynta badan keenay?
Buuga “MIYIGA ILLAA MADAXTOOYADA” anigu waxaan ka qayb qaatay haloosigii iyo bilowgii buugga mudadii uu Xirsi ahaa Wasiirka Madaxtooyada.
Wasiirkii hore ee madaxtooyada waxaan kala shaqeeyey soo ururinta, qabyo- qoraalka iyo qaabaynta heerarka kala duwan ee taariikh nololeedkiisa. Waxan jecelahay inaan halkan ku xuso in mudadii aanu buuga qoraynay anigu xukuumada kumaan jirin wax xil ahna kamaan haynin.
Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, mudadii aanu buugan ka wada shaqaynaynay, wuxuu hamigiisu ahaa inuu qoro saddex buug oo silsilad ah oo uu ugu magac daray: “DHAXAL GAL”.
Marka la isu soo ururiyo anigu buugaasi qoraalkiisa waxaan bilaabay 02.10.2014 waxaananu dhamaynay 18.09.2015, xiligaa oo uu Xirsi ahaa Wasiirka Madaxtooyada. Xogta, sirta, hadallada ku duugan buugan cusub waxa iska leh oo ay u gaar yihiin Qoraaga.
Xilligii anigu aan Xirsi Cali Xaaji Xasan buuga kala shaqaynayey, buuga magaciisa wuxuu ahaa “GUUSHAYDA”. Arrinta hadal-haynta badan keentay ee la xidhiidha caafimaadka Madaxweynihii hore mudane Axmed Maxamed Silanyo, haba yaraatee xilligii aanu buuga ka wada shaqaynaynay, caafimaadka madaxweynihii hore iyo arrimo kale oo imika buuga ku qoran kumuu soo hadal qaadin xilligaa.
Markii uu Xisri iska casilay wasiirka madaxtooyada (26.10.2015) ayaa anigana la ii magacaabay afhayeenka madaxtooyada, 27.10.2018). Buugana markaasaa aniga iigu dambaysay.
Hadal iyo dhamaantii, wixii xog ah ee buugaa ku duugan Xurmo iyo Xanafba, xuquuqdeeda waxa iska leh qoraaga buuga.”
Eng. Xuseen Aadan Cige (Dayr), waxa uu intaasi raaciyay “Waxaa khalad ah in fikir iyo sawir khaldan uu buugaasi bixiyo oo ah in xasuustiisii madaxweynuhy hoos ayay u dhacday. Taas oo macnaheedu yahay madaxweynuhu talada dalka gacanta kumuu haynin.
Arrintaas wax ka jiraa ma jiraan, madaxweynuhu isaga ayaa dalka maamulayay, isaga ayaa dalka halkaas soo gaadhsiisay, isaga ayaa taariikhda ku xusan, madaxweynuhuna wuxuu mudan yahay xurmo iyo xasaanad.
Markaa in caafimaadka madaxweynuhu ay noqoto mawduuc buug laga qoro anigu aad baan uga soo hor jeedaa runtii. Talada qaranku madaxweynaha ayay ka go’aysay, cidda wax magacaabaysay madaxweynaha ayay ahayd ciddii go’aamada masiiriga ah gaadhaysayna madaxweynaha ayay ahayd.
Afhayeenkii hore ee madaxtooyada Somaliland oo aanu wax ka waydiinay, haddii masuul xil hore soo qabtay uu baahiyo wax ka mid ah siraha qaranka in ay noqon karto fal-dambiyeed maxkamad lagu soo taagi karaa iyo in kale ayaa ku jawaabay. “Xogta xafiiska madaxweynuhu waa xogta qaranka jamhuuriaydda Somaliland.
Cid kasta oo gudbisa sirta madaxweynaha, iyaga oo aan ogolaansho qoraal ah haysanin, waxay la mid tahay cid gudbisay xog ama sir uu qaranku leeyahay, waana lagu dacwayn karaa sifo sharciga waafaqsan.”
Eng. Dayr oo aanu waydiinay sida uu arko hoggaaminta Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddiisii waxa uu ku jawaabay “Waxaan ka mid ahaa siyaasiyiintii nasiibka u helay inay la soo shaqeeyaan Madaxweyne Axmed Maxamed Silanyo.
Madaxweyne Axmed Maxamed Silanyo waxaan ku sifayn karaa inuu ahaa hoggaamiye wanaagsan, hayalsan, waayo arag ah oo khibrad durugsan u lahaa maamulka, maaraynta iyo dejinta siyaasadaha lagu hago hay’adaha dawliga ah heer kasta oo ay yihiinba.
Wuxuu ahaa hoggaamiye aqoon durugsan iyo khibradba u lahaa siyaasadda mandaqada geeska Afrika iyo guud ahaan ba caalamkaba.
Wuxuu ahaa hoggaamiye aamina masuulka uu xilka u magacaabo isla markaana siiya kalsooni iyo taageero si uu u gudan karo xilka iyo masuuliyadaha uu u igmaday.
Wuxuu ahaa hoggaamiye leh talo-wadaag iyo team-work isla markaana mar walba mudnaanta koobaad siiya halka ay ku jiraan danaha iyo masaaliixda dadka iyo dalka.”
Eng. Xuseen Aadan Cige (Dayr) oo ka mid ah xubnaha Xisbiga Kulmiye ee tacabka badan geliyay dhismaha iyo guulihii is daba jooga ahaa ee xisbiga Kulmiye ayaanu wax ka waydiinay sida uu u arko hoggaaminta iyo wax qabadka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu ku jawaabay “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waa hogaamiye dadkiisa iyo dalkiisaba la wadaaga dhacdooyin taariikhiya oo xasuus iyo xannuun ba badan.
Waa madaxweyne si dhab ah oo qoto dheer u og waayaha iyo wac-yiga siyaasiga ah ee ummadiisa ku gedaaman.
In kasta oo ay jiraan caqabado hor leh oo uu madaxweyne Muuse Biixi la kowsaday la wareegitaankii hoggaanka qaranka oo ay ka mid yihiin xanaftii ay doorashooyinku ka tageen iyo colaadaha qabaliga ah; haddana waxaan leeyahay “SO FAR SO GOOD”.
Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxay abuurtay rajo iyo yididiilo hor leh oo ah xagga dhaqaalaha, shaqo abuurka, arrimaha dibedda, xidhiidhka caalamiga, kaabayaasha adeegyada bulshada iyo waxyaabaha la midka ah.
Waxaan aaminsanahay in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, in aanay weli joogin waqti si rasmi ah loogu qiimeeyo, ummad ahaana waxaa inagu waajib ah in madaxweynaha iyo xukuumadiisa lala shaqeeyo oo la is garab taago. Wixii dhaliil ah ama sixitaan ah loogu sheego si nasteex ah.
Eng. Dayr oo ka jawaabayay su’aal laga waydiinay sooyaalkiisa siyaasadeed iyo marxaladihii siyaasadeed ee kala duwanaa ee uu soo maray xisbiga Kulmiye oo uu muddo dheer ka tirsanaa, waxa uu yidhi “Waxaan ahaa afhayeenkii hore ee xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, in baddanna ka tirsanaa xisbiga KULMIYE, qurbe-joog ahaa, haddana qolqol joog ah.
Xisbiga KULMIYE waa xisbi qaran oo da’ wayn. Waxaan ku soo biiray xisbiga KULMIYE 07/09/2002, aniga oo jooga dalka Holland, waxaanu furnay xafiiskii ugu horreeyay ee xisbiga KULMIYE ku yeesho dalka Holland.
Xisbiga KULMIYE, marxalado badan ayuu soo maray, muddo siddeed sannadood ah ayuu mucaarid soo ahaa. madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo ahaa aabbihii, asaasihii iyo guddoomiyihii koobaad ee xisbiga KULMIYE ayaa gadh-wadeen ka ahaa muddo badan.
Xisbiga KULMIYE wuxuu soo maray dhawr doorasho oo kala ahaa, doorashadii golaha deegaanka ee sannadkii 2012-kii, doorashadii wakiillada iyo doorashadii madaxtooyada ee 2013-kii, oo uu xisbiga KULMIYE kaga tanaasulay 80 cod in hoggaanka dalka uu hantiyo. Taas oo noqotay dhacdo taariikhi ah oo caalamka oo dhammi hadal hayo.
Maalintaas rag badan oo ka tirsanaa xisbiga KULMIYE waxay arkayeen in caddaalad darro badani dhacday isla markaana aan la yeelin oo aan la aqbalin go’aankii Komishanka doorashooyinka qaranka. Guddoomiyihii xisbiga Axmed Siilaanyo, waxa uu ku qancay in uu tanaasulo Isaga oo eegaya danaha ummada iyo maslaxadda dalka.
Xisbiga KULMIYE, wuxuu soo maray mucaaradad aad u adag, ugu dambayntii, waxaa la qabtay doorashadii madaxtooyada mar labaadkii sannadkii 2010, bishii lixaad. Xisbiga KULMIYE wuxuu ku badiyay siddeetan kun oo cod.
Sidaa darteed 27/07/2010, ayaa madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo loo dhaariyay madaxweynaha qaranka. Sidii ayay ku socotay illaa xisbiga KULMIYE mar labaad ku guulaysto doorashada madaxtooyada oo uu maanta madaxweyne yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ahaa guddoomiyihii xisbiga KULMIYE.”