Xukuumadda oo Qiimaynaysa Hannaanka ay Dalka uga Hawl-galaan Hay’addaha Shisheeye

0
344

Hargeysa (Dawan)- Fadhigii 24-aad ee golaha wasiirradda jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa khamiistii dorraad lagu lafo-guray hannaanka wada-shaqayneed ee hay’adaha qarammada midoobay (UN), kuwa caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, waxaanu goluhu warbixinta amniga ka dhegaystay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed.

Goluhu waxay dood-dheer ka yeesheen wada shaqaynta hay’adaha UN-ta, iyo kuwa caalamiga ah, ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay isla qaateen in dib u eegis iyo qiimayn buuxda lagu sameeyo habka iyo hannaanka ay hay’adahaasi uga hawl galaan dalka Somaliland, iyada oo loo marayo sharciga iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn, golaha wasiirraddu iyaga oo ka duulaya horumarinta iyo iskaashiga shacabka waxay ku dhiirigelinayaan bulshada Somaliland, hirgelinta, barmaamijyada iskaa wax u qabso ee kobcinaya adeegyada arrimaha bulshada la xidhiidha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply