Agaasimaha Warfaafinta oo Shir Caalamiya kaga Qaybgalay Tanzania

0
346

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee wasaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacygigelinta mudane Cismaan Xuseen Warsame oo muddo afar maalmood ah socdaal shaqo ku jooga waddanka Tanzania ayaa ka qeyb galay shir lagaga hadlayey kor u qaadida saxaafadda iyo badbaadinta suxufiyiinta.

Siday ku warrantay wakaallada wararka ee SOLNA, shirkaas waxa agaasimaha guud ee warfaafinta ku wehelinayey agaasimayaasha SOLJA, WIJA iyo xubno ka socdey Human Rights Centre- ka Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafintu waxa kale oo uu kula kulmay dalka Tanzania saraakiil iyo wufuud ka kala socdey waddamada bariga Afrika.

Shirkaas lagu qabtay Tanzania waxa furay wasiirka wasaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Ciyaaraha Tanzaania, Dr. Harrison Mwakyemba, waxaa kale oo ka soo qeyb galay madaxweynaha maxkamadda sare ee bini’aadanimada Afrika (African Court of Human and Peoples Rights) Justice Sylvain Ore. Waxaa kale oo joogey madaxa UNESCO ee bariga Afrika Mr. Tirso Dos Santos.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa masuuliyiintaas si gaar gaar ah ula kulmay shirka kadib, waxaanay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya hay’adahaas iyo dalalka Somaliland iyo Tanzania iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoon isweydaarisiga noocan oo kale ah.

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply