Madaxweynaha oo Qaabilay Wefti ka Socday Qaramada Midoobay

0
325

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xafiiskiisa madaxtooyadda ku qaabilay wefti uu hogaaminayay ergyaga qaramadda midoobay u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Nicholas Haysom.

Weftigan uu hogaaminayay Nicholas Haysom, ayaa kulanka uu madaxweynaha Somaliland la yeeshay waxaa ku wehelinayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirradda arrimaha dibadda, arrimaha gudaha iyo wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii UDUB Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

Sida lagu sheegay war qoraal ahaa oo madaxtooyadda Somaliland ka soo saartay kulankaasi iyo arrimihii lagaga wadahadlay ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray arrimo salka ku hayay xidhiidhka Somaliland iyo qaramada midoobay iyo sidoo kale sidii loo sii amba-qaadi lahaa wadahadaladii u dhexeeyay jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda federaalka ee Muqdisho.

Kadib markii kulankaasi soo dhamaaday waxaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Nicholas Haysom.

Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka warbixiyay waxyaabihii sida gaarka ah ay uga wada-hadleen madaxweynaha Somaliland iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

Dr. Sacad oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiima, oo ay ka mid tahay arrinta nabadgelyadu. Is-kaashiga qaramada midoobay iyo Somaliland, arrimo la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo ammuuro kale oo labada dhinac ba danaynayeen”.

Geesta kale ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Nicholas Haysom oo isna si kooban uga hadlay kulanka uu madaxweynaha la qaatay ayaa uga mahad celiyey madaxweynaha Somaliland qaabiladii wanaagsanayd ee uu u sameeyay.

Mr. Nicholas Haysom ayaa hoosta ka xarriiqay in kulankaasi ahaa mid yididiilo cusub oo midho dhal leh keeni kara, isla markaana uu sii xoojinayo wada shaqaynta ka dhaxaysa jamhuuriyadda Somaliland iyo jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply