Danjiraha France oo Madal Caalamiya ku soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi

0
341

Paris (Dawan)- Safiirka jamhuuriyadda Somaliland u jooga dalka Faransiiska Ambasador Cali Ismaaciil Xassan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey faa’iidooyinka maalgashi ee shirkadaha caalamku ka heli karaan kheyraadka dalka, shir caalami ah oo dhowaan lagu martiqaaday.

Shirweynaha Caalamiga ee dhaqaalaha Afrika, oo sannadkii 18aad la qabtay, isla markaana ay soo qabanqaabiyeen ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta oo ay xubno ka yihiin 38 waddan oo caalamka ah, kaas oo ay ka soo qeybgaleen boqolaal aqoonyahano iyo khubaro daafaha dunida ka kala yimi.

Safiirka Somaliladn ee Faransiiska Cali Ismaaciil Xassan oo qeyb ka ahaa dublamaasiyiinta lagu soo casuumay kulanka oo wargeyska Dawan wax ka weydiiyey isaga oo ku sugan caasimada Faransiiska ee Paris, uu sheegay inuu ahaa kulan si weyn wufuudii joobjooga u ahayd u heleen xogtii u dambaysay ee Somaliland iyo halka ay hiigsanayso, waxaanu yidhi “Runtii waxuu ahaa kulan fursad weyn u ahaa ogaanshiyada maalgashiga kheyraadka dalka, oo xilligan shirkado caalami ah bilaabeen in wufuudii ka kala socotay dalalka caalamka ee xubnaha ka ah iyo martisharaftii kale xogtiisa helaan, sidoo kale, waayahii iyo xaaladaha wakhtigan iyo mustaqbalka ee Somaliland iyo heerka qadiyada madaxbanaanidu marayaan.”

“Waxaan si weyn ugu sharaxay shirweynahii wasaarada arrimaha dibeda ee uu horkacayey wasiir Dr. Sacad Cali Shire ee lagu soo gebagebeeyey Hargeysa, iyo sidoo kale go’aamadii iyo ballanqaadyadii wufuudii ka qeybgashay inay ficil iyo qoraal ba kaga qeybqaataan gaadhsiinta qadiyadda madaxbanaanida jamhuuriyadda Somaliland”

Safiir Cali Ismaaciil Xassan ayaa sheegay in kala ballamay Xoghayaha Guud ee Uruka Iskaashiga Dhaqaalaha & Horumarka martiqaad & kulan dhexmara masuuliyiinta Somaliland, waxaanu yidhi,

“Waxaan kaloo ka codsaday Xoghayaha Ururka Horumarinta Dhaqaalaha kulan dhexmara Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, kaasoo si wanaagsan u soo dhoweysay.

Angel Gurria, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha & Horumarinta oo hadalka furtay ayaa ku soo dhoweysay Madaxweynaha dalka Ghana Md Nana Akufo-ADDO oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey muhiimada kulankan iyo go’aamada horumarineed ee looga fadhiyo gaadhitaankooda.

Kulanka oo qodobo kala duwan ku soo bandhigeen mudadii uu socday wufuudii ka soo qeybgashay, ayaa gebagebadii Md Olusegun Obasanjo, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Nigeria ka jeediyey khudbad ereyadeeda ka mid ahaayeen, sida Somaliland wax u qabsatay.

Ka qeybgalka kulamada iyo shirarka Caalamiga ee ka dhaca gudaha Faransiiska oo Safiirka JSL ee Faransiiska Amb Cali Ismaaciil Xassan lagu soo casuumo, isla markaana fursad ugu helaa ku dhexgeynta Qadiyada Somaliland, ayaa ku timi wada shaqeyntiisa dhow ee u la wadaago Wasaarada Arrimaha Dibeda Faransiiska.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply