Wasiirka Isgaadhsiinta oo Sheegay in aanu Jirin Qalab Wax lagu Dhageysanayo

0
366

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Jibriil ayaa sheegay in aanu jirin qalab lagu dhageysanayo dadka oo ay keentay wasaaradiisu, balse qalabkaasi uu yahay mid kor loogu qaadayo cashuurta ku waajibtay dhammaan shirkaddaha isgaadhsiinta ee ka diwaangashan wadanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in agabkani uu yahay mid wasaaradda horumarinta maaliyadda u sahlaya inay hesho xog ay ku cashuuri karto shirkaddaha isgaadhsiinta ee dalka ka hawl gala.

Waxaanu wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo technoolojiyadu uu sidan ka sheegay mar uu shalay hor tagay mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland isaga iyo masuuliyiin kale oo wasaaradiisa ka tirsani.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Jibriil isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Qalabkani waa Soft War in kor loogu qaado dekhliga ay tahay in kor loogu qaado dekhliga ka suuqaa isgaadhsiinta dawladda, islamarkaana lagula socdo adeegyadda ay qabtaan shirkaddaha isgaadhsiintu, iyadaa oo aan la faro gelineyn xogta gaarka ah ee qofku leeyahay, qaab waafaqsan xeerka isgaadhsiinta Somaliland qodobkiisa saddexaad farqadiisa 14-naad una ogolaanaya wasaaradda isgaadhsiintu inay keydin karto islamarkaana xafidi karto, xogta isgaadhsiineed ee laamaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay qaab aan uga hor imaneyn qodobka saddexaad ee dastuurka”

Sidoo kale Dr. Cabdiweli waxaa uu xusay in agabkani uu wasaaradda horumarinta maaliyadda u yahay mid sahlaya inay hesho xog ay ku cashuuri karto shirkaddaha isgaadhsiinta waxaanu yidhi “Ujeedada nidaamkani laga leeyahay waxa ay tahay in kor loogu ururinta cashuurta ku waajibtay dhammaan shirkadda isgaadhsiinta ee ka diwaangashan wadanka iyadda oo la helayo cashuurta saxda ah ee ku waajibtay shirkaddaha iyo kirooyinka kale ee uu sheegayo xeerka isgaadhsiintu sidoo kale waxaa ku jira xeerka dakhliga guud ee cashuuraha Somaliland-ta cashuuro sigaara ugu waajibay oo uu sheego qodobka 132 iyo 184-tan markaa taasi anaga oo ka caawineyna wasaaradda maaliyaddu inay hesho xog ay ku cashuuri karto shirkaddaha isgaadhsiinta ayuu qayb ka mida qalabkani naga caawinayaa”

“Cashuurta imika laga qaado shirkaduhu kuma fadhido xog saxa amase dakhli saxa oo la hayo, ee waxaa ay ku fadhidda kaliya kolba inta ay soo gudbiyaan shirkadduhu, mana jiro qaab lagu hubin karo, maada aanu nahay hay’addi xeerarka wadanku ay awooda u siiyeen inay hubiyaan islamarkaana ay kor u qaadan dakhliga”Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Sheekh Jibriil.

Agaasimaha guud ee wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajadda Eng. Cali Cabdillaahi Daahir oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay guulihii ay gaadheen mudadii ay xafiiska joogeen waxaanu yidhi “Wasaaradda waxaa qorshaha dhaw ugu jira waxaa ka mida dhameystirka lagu hagaayo isgaadhsiinta qaranka, waxaa kale oo aanu wadna xog ogaal u noqoshadda xaaladdaha caafimaad ee ka dhasha taawaradda, waxaa kale oo qorshaha noogu jira dhisitaanka xarunta keydinta xogta qaranka in dawladda iyo laamaheedu adeega ay bulshada u hayaan u noqdo mid si fudud loo heli karo, qof walibana meesha uu joogo adeegiisu uu ku gaadhi karo, waxaa kale oo aanu gacanta ku heynaa sidii loo maamuli lahaa hirarka uu dalku leeyahay oo dhab ahaantii iska furan, shirkadaha isgaadhsiinta iyagana xidhiidh dhaw ayaanu la sameynay, dhawaana qaar ka mida wasaaraddaha dawladdu si bilaasha ayay u heli doonaan adeega internetka”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply