Maamule Cusub oo loo Magacaabay Madaarka Magaalada Hargeysa

0
404

Hargaysa (Dawan)- Mareeyaha hay’adda duulimaadyada Somaliland Cabdi Maxamed Rodal, ayaa shalay maamulaha madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport u magacaabay Maxamed Xuseen Jaamac, halka maamulhii hore ee madaarka Hargaysa, Maxamed Yuusuf Xuseen loo badalay maamulaha madaarka Berbera.

Wareegto ka soo baxday xafiiska mareeyaha Hay’adda Duulimaadyada Somaliland Cabdi Maxamed Roodal ayaa lagu sheegay in maamulaha madaarka Hargaysa loo magacaabay Maxamed Xuseen Jaamac oo hore u ahaa ku xigeenka maamulaha madaarka Hargaysa, halka maamule ku xigeenkii labaad loo magacaabay maamul ku xigeenka koowaad ee madaarka.

Sidoo kale wareegtada lagu shaaciyay magacaabista maamulaha cusub ee madaarka Hargaysa, ayaa lagu sheegay in maamulihii hore ee madaarka Hargeysa loo magacaabay in uu noqdo maamulaha Madaarka magaalada Berbera.

Maamulahan cusub ee madaarka Hargaysa Maxamed Xuseen Jaamac ayaa hore u ahaa maamule ku xigeenka koowaad ee madaaraka Hargaysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply