Wasaaradda Jidadka oo soo Bandhigtay Hannaanka loo Bixinayo Liisamada Cusub

0
428

Hargaysa (Dawan)- Wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland ayaa soo bandhigtay liisamada cusub ee Baabuurta Somaliland, taas oo markii hore ay gacanta ku haysay shirkad gaara.

Munaasibad shalay lagu qabtay magaalada Hargaysa oo lagu soo bandhigayay liisamada kaxaynta Baabuurta ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadaka Cabdillaahi Abokor Cismaan, wasiirka wasaarada gaashaandhiga Ciise Axmed Yuusuf, wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Yuusuf Mire Maxamed Boos iyo agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta wadooyinka iyo jidadka Cumar Cabdillaahi Aadan Cumar Sayid, salaadiin, saraakiil ka socday ciidanka Booliska, shaqaalaha wasarada gaadiidka iyo jidadka iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaarada horumarinta waddooyinka iyo jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in liisanka kaxaynta baabuurta ay joojiyeen markii la foojar gareeyay. Waxaanu yidhi “Waxa aanu si rasmiya u sheegayaa in maanta (shalay) laga bilaabo aanu joojinay buugii baabuur waddida Buugan waxa loo joojiyay waxa aanu garanay in buuga baabuurtu yahay waxa keliya ee la foojar garayn karo, 20153 qof ayaa nidaam sharciya ku qaatay liisamada wixii foojariya mooyaane. Waxa waajib inaga wada saran in la wada shaqeeyo hay’addaha xukuumadda, garsoorayaasha iyo maxkamada dalka, oo dhinac looga soo wada jeesto hawlaha qaranka”.

Wasiirka wasaarada shaqogalinta iyo arimaha bulshada iyo qoyska Hinda Jaamac Gaanni oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa soo dhawaysay liisanka cusub ee ay soo bandhigtay wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka. waxaana ay tidhi “Aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa in imtixaan laga qaado dirawalada Baabuurta, waana uga mahadcelinayaa wasaarada Gaadiidka, waanan ku ammaanayaa liisanka Baabuurta ee ay soo bandhigeen”.

Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta wadooyinka iyo jidadka Cumar Cabdillaahi Aadan Cumar Sayid oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay Liisanka cusub ee ay soo bandhigeen. Waxaana uu yidhi “Qofka doonaya in uu qaato liisanka ee wasaarada yimadaa buug ayaa la sinayaa si uu u soo akhristo bil ka dibna imtixaam ayaa laga qaadayaa waana in uu calaamadaha baabuur waddida yaqaano, Haddaanu af Soomaaliga akhriyi karin waa in uu helo qof af Soomaaliga u akhriya. Waa in uu ka jawaabi karaa calaamadaha baabuur waddida hadaanu in taas garanayn xaq uma laha in uu gaadhi ka xeeyo”.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Salaadiin iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska, waxaana ay dhammaantood soo dhaweeyeen Liisanka cusub ee wasaarada horumarinta gaadiidka iyo jidadka Somaliland soo bandhigtay, waxaana ay ku tilmaameen in ay tahay tallaabo hore loo qaaday.

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply