Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta oo Furay Shirka Go’aaminta Mudnaanta Adeegyada Deegaanka, Biyaha iyo Wax Soo Saarka Dalka

0
345

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Mudane Cabdirashiid Ibrahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa furay shirka go’aaminta mudnaanta wadaagayaasha deegaanka, biyaha iyo wax soo saarka ee qorshaha horumarinta qaranka ee labaad.

Shirkan ayaa ka mid ah shirar lagu soo gabo gabaynayo hannaan lagu kala hor marinayo mudnaanaha qorshaha horumarinta qaranka ee labaadaad (QHQ2 NDPII prioritization process)] oo ay wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qarranku bilihii u dambeeyey ku mashquulsanayd.

Hanaankan oo ahaa mid ay wadaagayaasha uu qorshaha horumarinta qaranku ku salaysan yahay ay soo gudbinayeen mudnaanahooda ay ahmiyadda koowaad siinayaan si qorshaha horumarinta qaranka ee labaad hadba loo hirgeliyo inta mudnaanta kowaad leh.

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranka oo furitaankii shirkaasi ka hadlayay ayaa yidhi ”Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranku waxa ay gacanta ku haysay oo hadda gebo-gebo ah lafa-gurka, hufidda iyo isku dubba-ridka muhnaanihii iyo dhukumantiyadii wadaagaasha iyo hay’adaha dowladdu soo gudbiyeen, mudnaanahaasi oo ahaa kuwo wada tashi lagala soo yeeshay hay’adaha dawladda ee heer Qaran ilaa mid Gobol”.

Agaasimaha guud wuxuu intaasi ku daray ”Waxa maanta kulankeenan aynu ku go’aaminaynaa mudnaanaha wadaagayaasha wax-soo saarka, biyaha iyo fayo dhawrka iyo deegaanka, waxa aanu idinka filaynaa in mudnaanahaasi aad soo gudbiseen aad hubisaan, lafa gurtaan oo aad eegtaan in qaabka aannu u midaynay iyo xoggaha aannu ku soo bandhignay dokumantiyada mudnaanuhu in ay ay yihiin mudnaanihii idinka yimid”.

”Kulankani waxa uu ahaa bilawga shirar ay wadaagayaasha kala duwan ee QHQ labaad yeelan doonaan si loo soo gabo-gabeeyo dadaaladii muddada soo socday ee ku wajahnaan Mudnaano kala siinta qorshaha horumarinta qaranka ee labaad” ayaa uu yidhi Agaasimaha waaxda qorshaynta ee Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland, Mubaarik Cabdilalahi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply