Garaad Jaamac oo ka Hadlay Socdaal Nabadayna oo ay ugu Baxayaan Sool

0
358

Hargeysa (Dawan):- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil,ayaa sheegay in wefti ballaadhan oo ka socda xukuumadda Somalilandin ay u amba baxeen gobolka Sool isla markaana ay u socdaan daminta colaadda beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay koonfurta gobolka Sool(Dhumay).

 

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in madax dhaqameed uu ka mid yahay inay u amba baxayaan gobolka Sooloo ay ku biirayaan ergo nabadeed oo ka socda golaha guurtida Somaliland,madaxdhameed ka kala socda deeaanka Soomaalida Itoobiya iyo Puntland iyo weftiga wasiirada ah ee uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo deegaankaas u safray.

 

Waxaa kale oo uu garaad Jaamac sheegay in nabadayntii beelaha walaaha ah ee Ceel afweyn in ay si wanaagsan u hir gashay oo labada beeloodba ay nabadayntii qaateen kuna dhaqmeen isla markaana labadil oo dhacay mid ahaan qofkii geystay la soo qabtay dilka labaadna isna lagu raad joogo qofkii geystay isla markaana ergadii nabadaynta labada beelood in ay u kicitimayaan Ceel afweyn oo ay magtii lagu kala xukumay u kala qaadayaan.

 

Waxaanu u soo jeediyay labada beelood e walaalaha ah ee ku dagaalamay Dhumay in ay nabadda qaataan oo ergada aqbalaan oo colaadda joojiyaan.

 

“waxaa caawa(xalay) wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland uu u amba baxay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool waxaanay u tageen nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah,waxaa kale oo hore u gaadhay oo ku sugan ergo nabadeed oo golaha guurtida Somaliland ah,iyo madaxdhaqameed ka kala yimi deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Puntland,waxaana deegaankii lagu dagaalamay gacanta ku haya oo nabad gelyo ku soo celiyay ciidanka qaranka.”ayuu yidhi Garaad Jaamac ii u warramayay wargayska Dawan.

 

Waxaanu intaa raaciyay .”annagoo fulinayna amarkii madaxweynaha Somaliland ee ahaa in nabadaynta labada beelood loo koco oo xukuumad iyo madaxdhaqameed iyo culimoba laga qayb qaato aniga iyo madaxdhaqameed miisaan leh oo reer Somaliland ahi aanu socdaal ugu baxaynaa deegaanka Dhumay ee gobolka Sool,waxaanan leeyahay labada beelood ee walaalaha ah nabad ayaa horumar iyo nololba leh ee nabada qaata oo tacabkla dawladda Somaliland iyo madaxdhaqameedka idiin soo gurmaday ay idin geliyeen ha qasaaraynina,maanta haddii aanay nabaddu idinka idinka soo go’in oo aydaan qaadan dadkana dhib iyo naxdin ayunbaad ku haynaysaan idinkuna is bixin maysaan markaa aan idiin ducaynee nabad gelyada qaata oo madaxweyne illaa madaxdhaqameed illaa culimo la idiin soo gurmay ee inkaar ha shaqaysanina.”

 

Garaadka oo ka hadlayay nabadayntii beelihii Ceel afweyn iyo halka ay marayso,waxaa uu yidhi. “labada beelood ee Ceel afweyn waxaan ku ammaanayaa in ay nabaddii si dhab ah u qaateen oo ay ka dhabeeyeen waxaa imikana u baxaya ergadii nabada madaxdhaqameedkii ahaa oo u kala qaadaya xoolihii loo kala xukumay,intii nabadaa la soo xidhayna laba dil ayaa dhacay,dilkii hore ninkii gabadha dilay waa la keenay dilkan dambe ee habeenka dhawayd dhacayna gacan ku dhiiglihii waa lagu maqan yahay oo lagu raad jooga mana qabo in halkaa dhibaato dambe ka taagan tahay marka beeluhu ay nabadda qaataan ayuunbaanay nabaddu hir gashaa, beelaha Dhumay ku dagaalamayna in nabadda ALLE garansiiyo oo ducada ergada culimo,dawlad iyo madaxdhaqameedba leh in ALLE ku anfaco,ayaan RABBI ka baryaynaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply