Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha oo ka Hadlay Socdaal ay ku Marayaan Gobolada Bari iyo Hannaan Dastuurka Dadka Lagu Barayo

0
360

Ceerigaabo (Dawan):- Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Sheekh Aadan Cilmi, ayaa ka hadlay dil habeen hore ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn iyo siday xukuumaddu uga hawl gashay, waxaanu tacsi u diray ehelada marxuumku ka geeriyooday. Isaga oo intaa raaciyay baaq nabadeed iyo waano uu u kala diray beelaha ku dagaalamay koonfurta gobolka Sool iyo beelihii lagu nabadeeyay Ceel Afwyn.

Waxa kale oo uu ka war bixiyay socdaal wefti uu hoggaaminayo oo ka socda wasaaraddiisa oo socdaal shaqo ku maraya gobolada bari ee dalka iyo hannaan bulshada goboladaas lagu gaadhsiinayo dastuurka Somaliland oo dadka lagu barayo shuruucda iyo xeerarka dalka.

Waxaanay wasiirka iyo weftigiisu socdaalkooda shaqo ka bilaabeen xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo ay dorraad ka fureen xarunta wasaaradda ee gobolkaas isla markaana isla dorraadba hawl gashay oo loo magacaabay isuduwuhii wasaaradda laguna wareejiyay buugga dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo daabacan.

Wasiirka ayaa sheegay in loogu talo galay in bulshada gobolka Sanaag loo qaybiyo oo la baro dastuurka dalkooda iyo xeerarka qaranka si ay dadku u gartaan waxay xaq u leeyihiin iyo waajibaadka qaran ee qof kasta saaran si loogu wada dhaqmo sharciga.

Wasiirku waxa kale oo uu intaa raaciyay in ay socdaal ku marayaan gobollada bari ee dalka, gaar ahaan Sanaag, Sool, Saraar ,Togdheer iyo Saaxil oo ay dhammaantood wasaaradda ka hawl geliyanaan xarumihii ay ku yeelan lahayd goboladaas isla markaana isuduweyaasha wasaaradda ee heer gobol ay ku hawl geli doonaan sidii dastuurka dalka dadka loo gaadhsiin lahaa. Iyada oo qorshaha wasaaraddu uu yahay in qofkasta oo muwaadin ah in la baro dastuurka qaranka.

Wasiirka oo waraysi gaar ah khadka taleefanka ku siiyay wargayska Dawan isaga oo ku sugan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa ugu horrayn isaga oo ka hadlaya dil habeen sadexaad ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn waxaa uu yidhi. “Ugu horrayn waa wax laga naxo oo aad looga xumaado ah in maalin walba dil gudaheena ka dhaco oo shaydaan ka adeego oo dad walaalo ah oo aan sinaba u kala tegayn dhexdooda dhiig ku daato, dilkaana waan ka xunnay waanan uga tacsiyaynayaa qoyska iyo ehelka marxuumku ka baxay. Marxuumkana waxaan ALLE uga baryaynaa in uu u naxariisto, intaa waxaa dheer xukuumaddu markii dilkaasi uu dhacayba way ka hawl gashay tallaabooyin nabad gelyada lagu adkaynayana way qaaday, waxaanay ku hawlan tahay sidii gacan ku dhiiglaha loo soo qaban lahaa iyo si aan dilkaasi fidno kale uga dhex abuurin beelaha walaalaha ah ee wada dhashay, waxaanay dawladdu xidh xidhay dad cidda dilka loo tuhunsan yahay odayaashiisii ah ciidankuna way ka hawl galeen oo waa lagu daba jiraa gacan ku dhiiglihii cid kastana sharciga, ayaa ka sarreeya, beeshii dilku ku dhacayna waan u tacsiyaynaya waxaanan ku waaninay in ay dulqaad muujiyaan oo ay dawladda ka war sugaan oo aanay tallaabo kale oo ficil shaydaan ah in aanay qaadin waanay naga aqbaleen.

Markaa imika xaaladdu way deggan tahay dawlad iyo shicibbana waxaa hadda lagu hawlan yahay soo qabashada ciddii dilkaa geysatay.”

Wasiirku waxa kale oo uu farriin waano iyo nabadayn ah u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay dhawaan koonfurta gobolka Sool. Waxanau yidhi “Beelaha walaalaha ah ee dhawaan ku dagaalamay koonfurta gobolka Sool waxaan ku waaninayaa oo aan ugu nasteexaynayaa in ay ALLE ka baqaan oo ay dhiig daadinta joojiyaan oo ah ficil aan if iyo aakhiro midna wanaag lagu gaadhayn oo cidhib xun, umadda Islaamkana uma bannaana in ay dhiigooda daadiyaan oo ay bannaystaan wax ALLE ka xarrimay markaa waxaan leeyahay dad walaalo ah ayaad tihiin ee ALLE u soo noqda oo dhiigiinna badbaadiya qof qof dilay oo dambiile ahna reer ha ka dhigina ee iska dhex qabta.”

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay ujeedada socdaalka isaga iyo xubnaha wasaaraddiisa ee uu hoggaaminayaa ay ku tageen Ceerigaabo,ayaa ku jawaabay. “socdaalkayau waa mid shaqo oo aanu ku marayno dhammaan gobolada bari ee dalka sida Sanaag oo aanu hadda ku suganay,Sool,Saraar.Togdheer iyo Saaxil,waxaanan ka bilawnay gobolka Sanaag xaruntiisa Ceerigaabo oo aanu shalay(dorraad) ka furnay xaruntii wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka isla markaana aanu u magacawnay isuduwihii gobolka,waxaan shirar la qaadanay dhammaan isuduweyaasha laamaha dawladda ee heer gobol iyo degmo,waxaa kale oo aanu ku wareejinay xarunta wasaaradda ee gobolka Sanaag buugaag dastuurka jamhuuriyadda Somaliland ah oo aanu ugu talo galnay in bulshada gobolka Sanaag loo qaybiyo oo lagu baro dastuurka qaranka ujeedaduna waxay tahay in aanu fulino ballan qaadkii Madaxweynaha ee ahaa sarraynta sharciga,taana waxaa lagu gaadhayaa marka ay dadku dastuurkooda bartaan waxaana naga go’an in heer tuulo,degmo iyo gobolba in dadka la gaadhsiiyo dastuurka oo ay bartaan sharciga dalka si ay u ogaadaan waajibaadka saaran iyo xuquuqda ay leeyihiin,taasoo inna gaadhsiinaysa inqofku garan karo xaqa uu leeyahay iyo waajibaadka saaran,markaas ayaa muwaadinku ka hadli karaa xuquuqdiisa isla markaana fulin karaa waajibaadka saaran qorshuhuna wuxuu yahay in dhammaan gobolada bari ee aanu marayno aanu xarumihii wasaaraddu ku shaqayn lahayd aanu ka furno iyo in dadka qofkasta oo muwaadin ah la gaadhsiiyo oo la baro dastuurka iyo xeerarka shari ee dalka oo aynu noqono dad sharciga dalkooda yaqaanna.”

Socdaalka wasiirka ayay ku weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Xuseen dhabbeeye iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply