Saldhiga Imaaraadka ee Berbera oo la Xaqiijiyey Xiliga la Furayo

0
342

Berbera (Dawan)- Saldhigii Millatari ee dalka Imaaraadka Carabtu ku furanayeen magaalada Berbera ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa la sheegay in la furi doono Bisha June ee sannadka fooda innagu soo haya, siday laga weriyeen ilo diblomaasiyadeed.

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin uu daabacay Warsidaha Bloomberg ee dalka Maraykanka oo Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ka soo xigatay qormadan. Warku wuxuu intaas ku daray saldhiga Millatari ee Imaaraadka hawlaha uu qaban doono ay ka mid tahay inuu ilaaliyo xeebaha Somaliland.

Saldhigan Millatari ee Imaaraadku ayaa la weriyey inu u ilaalin doono marsada Berbera iyo xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 800 oo Km.

Danjirihii hore ee Somaliland u fadhiyey Imaaraadka carabta, Md. Baashe Cawil Cumar, ayaa bayaamiyey in budhcad baddeedu ay maraakiib ka qafaasheen xeebaha Somaliland bishii March ee kal-hore.

Safiir Baashe Cawil ayaa waraysi lagaga qaaday Hargeysa ku sheegay in millatariga Imaaraadka carabtu ay taageeri doonaan gobolka oo dhan, isla markaana ay la tacaali doonaan Budhcad baddeeda, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo sunta lagu daadinayo badaha .

Mr. Baashe waxa uu xusay in dalka Imaaraadka Carabtu noqday xuddunta ganacsiga gobolka, sidaas darteedna aanay arrintaasi u suurtogeli karin haddii aanay ilaalin ganacsiga badaha iskaga gooshaya.

Waxa kaloo Baashe Cawil caddeeyey in saldhiga Berbera oo cabirkiisu yahay 42 km oo laba jibaaran uu iskugu jiro saldhig millatari iyo laba madaar,waxaanu xaqiijiyey in mid ka mid ah labadaas madaar uu boqolkiiba lixdan dhammaaday.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply