Madaxweyne ku Xigeenka oo Daah-furay Wershad lagu Maalgeliyay $ 3 Milyan

0
372

Boorame (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caddeeyay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay, isla markaana ay soo dhawaynayso ganacsato kasta oo dalka maalgashi ku samaynaysa, sidoo kalena, ay ka go’antahay in ay la qabtaan wax kasta oo ay xukuumadda uga baahdaan.

Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu shalay ka hadlayay furitaanka wershad laga hirgeliyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo soo saaraysa furaashyada iyo noocyda kala duwan ee buushashka oo lagu magacaabo Royal Industry oo ay hir geliyeen ganacsato reer Somaliland ah oo ka faa’iidaystay siyaasadda dhiiri gelinta maalgashiga ee xukuumadda Somaliland dalka ku hoggaaminayso.

Xafladda daah furka iyo xadhig ka jarista wershada oo lagu qabtay Hotel Rays ee magaalada Boorama, ayaa waxaa kale oo ka qayb galay wasiirka wasaaradda ganacsiga wershadaha iyo dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, maayerka degmada Borama Saleebaan Xasan Xaddi, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka oo si rasmi ah u furay wajiga koobaad ee wershadda Royal Industry oo ay ku baxday lacag dhan saddex milyan oo Dollar, ayaa caddeeyay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay mar kasta in ay dhiirigeliso maalgashiga dalka isla markaana ay wixii dhanka dawladda ku xidhan ay diyaar ula tahay ganacsato kasta oo dalka maalgashanaysa. Waxaanu yidhi “Waxa maanta farxad iyo sharaf wayn noo ah in aan ka soo qaybgalo furitaanka wershaddani Royal Industry soo saari doonta Isbuunyadda ama Furshaanta oo ah runtii wershad ka mida wershaddaha dalku baahida wayn u qabo ee Isbuunyo ah, runtiina waxa kaliye ee wax inoo tari karaa waa gacmaheena iyo ganacsigeena oo aynu isku geyno , ka dawlad ahaana anagu mar walba waxaanu diyaar u nahay in aanu cid kasta oo wax qabsaneysa la dhiirigeliyo”

Muumin Jaamac Samaale oo ah ganacsaddaha iyo Mulkiilaha waddaniga ee isagu iska leh Werhsaddani Furshaanta ee Royal Industry ee Furshaanta noocyadooda kala duwan soo saaraysa oo ugu horeyn munaasibadda furitaanka Weedho kooban ka jeediyey waxa uu sharaxay sababta wershaddan guddaha dalka uga hirgeliyey iyo muhiimada ay bulshadda reer Somaliland u leedahay waxaanu yidhi “Mashruuca Wershaddani aanu Gobolka Awdal ka hirgelinay waxaanu u sameynay Somaliland gees ilaa gees Wershad kasta oo laga furo Burco ama Laascaanood ama Ceerigaabo ama Boorame gees ilaa gees way gaadha sababto ah Biyaha Burco ayaa inoogu horaysay ilaa Saylac ayeynu ku cabaynaa, maantana Wershadihii way inoo soo bateen Nabadiina way inoo soo badatay , marka kolba wixii inoo soo kordha Alxamdulilaah ayeynu leenahay, waxaana aan rajaynayaa inay Wershaddan aanu hirgelinay ee furshaantu dabooli doonto baahi badan oo dalka ka jirtay”

 

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isaguna ka mid ahaa madaxdii shirka ka qaybgashay waxa kelmadiisii uu furitaanka Wershadda ka yidhi u dhigneyd sidan “Waxaan leeyahay hambalyo walaalkay Illaahay ha ku sii barakeeyo ganacsigaaga, dalka kalena waxaan leeyahay ee doonaaya inay dalka wax ka sameeyaan ama maalgashi ku sameystaan waa in sida wershado noocan oo kale oo dalkana horumar u sameynaaya dadkana shaqo abuuris u sameynaaya aynu abuurno”

Mid ka mida madax dhaqameedkii munaasibada lagu casuumay oo halka ka hadlay waxa uu yidhi “Anagu hadii aanu madax dhaqameedka nahay waxaanu ku leenahay Ganacsatadda waar waa meelihii aynu isha ku haynay Wershadduhu , waxa loo baahan yahay in la fikiro oo hore loo socdo oo Kiishka iyo Kartoonka yar iyo in aan lagu Eekaanin ayaa loo baahan yahay, waxaanan halkan uga ducaynaynaa walaalkeen Ganacsade Muumin Jaamac Samaale oo isagu maalgashiga Wershadani muhiimka ah ee wax tarka u yeelan doonta gobolka Awdal iyo guud ahaan dalka Somaliland ba maanta inooga Hirgeliyey Boorame”

Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Duqa golaha deegaanka Boorame oo iyaguna Weedho dhiirigelin iyo taageero ah halka ka jeediyey ayaa amaanay ganacsade Muumin Jaamac maalgelinta uu ku dhiiraday ee wershaddani uu dalkiisa Somaliland ka hirgeliyey iyaga oo ganacsatadda kale ee lacagta haysatana ugu baaqay inay ku dhiiradaan maalgelinta Wershaddaha Waddaniga ee guddaha dalkooda si horumar iyo shaqo abuur dalka iyo bulshaddu uga hesho Wershadda waddaniga ah.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad oo isagu ka hor intii aanu madaxweynaha khudbada xidhitaanka xafladda daahfurka wershadda ku soo dhaweynin halkaasi kelmadiisa ka yidhi waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Xafladani aynu joogno ee daahfurka ahi waa Wershaddii ugu wayneyd ee Gobolka Awdal laga sameeyey inta anigu aan garanaayo, waxaanan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa dedaalkaasi uu sameeyey ee dalkiisa ku maalgeliyey isaga iyo intii kaalmaysayba waanu u mahadnaqaynaa, waxaanan ALLE uga baryayaa in uu Ganacsigiisa u barakeeyo kana dhigo kii ku guulaysta”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply