Xildhibaan Indho-indho oo Puntland ku Eedeeyay Hurinta Colaadda Dhumey

0
363

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indho Indho, oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland ayaa maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku eedeeyay inay ka dambeyso colaadda soo noqnoqotay ee koofurta gobolkaa Sool, isla markaana maamulka Garoowe hubka iyo rasaasta isugu dhiibay beelaha walaalaha ah ee wada dhashay.

Xildhibaanku waxa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo ka soo yeedhay madax ka tirsan maamulka Puntland oo sheegay in deegaanada ay colaaddu ka taagan tahay in ay iyagu ka taliyaan oo aanay Somaliland tegi karin, waxaanu intaa raaciyay in hadal idaacad laga yidhaahdo in aan dal lagu haysan karin, cidda joogta ee ku sugan ee dadkaa kala badbaadinaysaana in ay tahay Somaliland oo ciidankeedii ku kala dhex jiro, isla markaana guurtidii iyo madax dhaqameedkiina ku maqan yahay oo ay daminta colaaddaas u bexeen.

Waxaa kale oo uu bogaadiyay madaxdhaqameedka ka soo gurmaday deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu tilmaamay in ay dhalasho iyo dhaqanba wadaagaan Somaliland. Waxaanu yidhi “Deegaanka Dhumey waxaa ku maqan raggii ugu qiimaha badnaa aad baan ugu mahad naqayaa shir guddoonka iyo madaxweynahaba, waxaan u soo noqonayaa ragga Puntland ka mid ka ah ee siyaasadda galinaya, ee arrintan dagaalka siyaasadeynayna, ragga ka hadlaya iyaga oo aan tacab horena ku laheyn, tolnimo horena aan ku laheyn inay siyaasad geliyaan, waxaan leeyahay nimanka siyaasadda gelinaya ee tolnimana aan laheyn dhibaatada halkaa taalla waxaan aaminsanahay in hubka lagu dagaalamayo ay iyagu bixinayaan, waxaa kale oo aanu aaminsannahay in dhibaatadii ay ku hayeen Tukaraq in ay halkan u soo wareejiyeen, wiil yar oo Idaacad ka shaqeeya oo wasiira oo yidhaahda Somaliland ma iman karto walaahi isaga ayaan iman karin, beenbuu sheegayaa”

Xildhibaan Indha-indho waxaa uu si cad u sheegay inay Somaliland kaalin muhiim ah ka qaadatay horumarka deegaankaasi ka socda waxaanu yidhi “Ciidamadda qaranka Somaliland ee deegaankaasi jooga way ku filan yihiin, sidoo kale waan u mahad naqayaa ragga Itoobiya ka yimi, Itoobiya xidhiidh ayaynu laheyn salaadiinteedaa, anaga markii ugu dambeysay ee Xaaji Cabdi iyo Muxumed Aw Axmed ay na wateen xidhiidh ayaanu laheyn, deegaankaasi ragga tacabka iyo wax walba geliyay waa Somaliland, go’aamada meesha ka soo baxaana waxaan soo jeedinaya inay fulaan”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply