Xarumo loo Dhisay Hay’adaha Garsoorka Gobolka Saaxil oo Xadhiga laga Jaray

0
358

Berbera (Dawan)- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa shalay xadhiga ka jaray dib-u-habayn lagu sameeyey dhismayaasha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Saaxil iyo degmada ee Berbera.

Xaflad loo qabtay kulanka oo madax kala duwa ay khudbado ka jeediyeen ayaa ugu horreyn waxa ka hadlay Maayorka Degmada Berbera Cabdirashiid Maxamed Xasan (Cidin) oo ka hdlaya yidhi, “Waxaan markhaati ka nahay in wakhtigii hore maxkamad keliya oo dacwadaha lagu qaadi jiri ay jirtay, taas oo ay jiingadu daloosho, kursigu jaban yahay, qofku dareemi jiray in halkani aanay caddaaladdi oolin.” ayuu yidhi, isaga oo intaasi raaciyey. “Maanta waxaan taagan nahay goob garsoorka u gaar ah, oo Xeer-ilaalintii, Maxkamadii Degmada, tii Gobolka iyo Racfaankii kala gaar yihiin, Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inay noqdaan goobo muwaadiniintu ku soo hirtaan oo caddaaladdi taalo.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan (Tima-cade) oo hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin, waxaanu yidhi, “Runtii dawladu, mid dhexe iyo hoose-ba way ka qeybqaateen, waana horumarkii Garsoorka ee hadalka Jamhuuriyadda Somaliland, ee Madaxweynahu hogaaminayo, horena loo sii qorsheeyey, oo hirgalay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Dastuurka Prof Adan X Cali Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa yidhi,

“Waa farxad maanta (shalay) inaynu maxkamadihii gobolka xadhiga ka jarno, iyagoo isbedel ku yimi. Maxkamadii Gobolka ayeynu taagan nahay, maxkamdii degmada iyo tii Racfaanka ayeynu soo furnay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan ayaa sheegay in dib u habaynta iyo dhismayaasha maxkamadahu socon doonaan, isagoo ka hadlaya muhiimad aka dambaysana waxuu yidhi,

“Dhismayaasha iyo dib-u-habayntu way socon doonaan, Soomaalidu waxay tidhaahdaa, ‘Qofkaad kabaha ka tolanayso-kabahiisaa la eegaa’ waanan uga mahadcelinaynaa maamulka Gobolka iyo Degmada, weliba Degmada oo hadaanu dhaqaalaha la garab istaagi lahayn aanay hawshu hirgasheen.” Ayuu yidhi.isagoo raaciyey.

“Waad ogeydeen in Maxkamadii sare oo soo guurtay hawlo shaqo ka wadday gobolada Barriga, halkan Gobolka Saaxil, waanu u nimi inaan cabashooyinkii dadweynaha dhegeysano, inaanu eegno sida hawlaha garsoorku u socdo, iyo sida maxaabiista jeelasha ku jirta xaaladooda nololeed tahay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply