Kulan dhexmaray bahda garsoorka Saaxil iyo guddoomiyaha maxkamada sare
By. Maxamuud Cali Sh (Walaaleye)
Berbera (Dawan)- Guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa shaaca ka qaaday in isla xisaabtanka bahda garsoorku socon doono, isla markaana aan ninna looga habran doonin, hadday mur ka qadhaadhaato.
Guddoomiye Aadan oo hogaaminayey wefti ka tirsan maxkamada sare oo mudooyinkii ugu dambeeyey socdaal hawlkeed ku marayay gobolada barriga dhagaysiga dacwadaha ayaa shalay kulan xog waraysi ah la qaatay bahda garsoorka ee gobolka Saaxil.
Kulankan Gudoomiyaha maxkamada sare la qaatay gudoomiyeyaasha iyo garsoorayaasha maxkamadaha gobolka, degmada iyo racfaanka gobolka Saaxil oo ku qabsoomay hoolka Maxkamada Racfaanka, oo ugu horeyn gudoomiyaha Maxkamada Racfaanku Cabdirashiid Duraan hadalo ka jeediyey ayaa yidhi, “Garsoorayaasha Maxkamadaha Gobolka Saaxil jooga, waa kuwii ugu wanaagsanaa ee Maxkamadaha joogi lahaa, kana shaqeyn lahaa. Markii hawsha maxkamadan aanu bilownay dhamaan shaqaalahu waxay ahaayeen 17 qof, maantana waxay marayaan dhowr iyo konton qof.”
Guddoomiyaha maxkamada racfaanka gobolka Saaxil, waxa uu intaasi raaciyey. “Guud ahaan Gobolka maxkamadahiisa, Bullaxaar, Mandheera iyo Sheekh ayaa wax dibeda ka jira oo ay xukunto jira, hadaan kaaga waramo marxalada gobolkan, Saaxil gobolka ugu wanaagsan ee laga shaqeeyo, dadka ugu wanaagsan ee loo shaqeeyana gobolkan ayey joogaan.”
Sidoo kale Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha Saaxil oo kulankaa ka hadlay ayey hadaladoodii ka mid ahaayeen, “waxa sharaf noo ah in Gudoomiyahii Maxkamada Sare booqasho inoogu yimi, isagoo inala joogi doona, isla markaana halkan dacwado ku geli doona, maxkamada sare hogaaminayso.”
Gudoomiyaha maxkamada sare, ahna gudoomiyaha guddiga caddaaladda iyo gudoomiyaha maxkamada dastuuriga Somaliland Prof Aadan X Cali Axmed oo gebagebadii kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Booqashadani waa kormeer iyo maxkamadii sare oo hawlo shaqo u wareegaysa, kooxo ayaan isu-qeybinay, badh Sanaag ayey joogaan, badh Sool, badh Togdheer, annigu waa anniga halkan maraya, qeybo kale oo dacwadaha fadhiisan doona, gobolka oo dhan marayana way iman doonaan, ujeedadiisuna waa in garsoorka loo dhoweeyo dadka.”
Gudoomiyaha maxkamada sare Prof Aadan ayaa sheegay in isla-xisaabtanku socon doono, waxaanu yidhi “Annigoo ku hadlaya afkii guddiga caddaaladda, afkii maxkamada sare, afkii maxkamada dastuuriga waxaan idiinka mahadcelinayaa shaqada fiican ee aad haysaan. Shaqada aynu hayno waa mid culus, waa gar, waa caddaalad, waxa waajib laydiinku leeyahay, (Ilaahay baa Caadil ah) laakiin. Waa waajib inaydaan leexan, badheedhin, jawr samaynin, Ilaahay ka baqataa, ogaataan in aakhiro dambayso, dadkiinana u shaqeysaan.”
Guddoomiye Prof Aadan, waxa uu intaasi raaciyey. “Waxaan idiin sheegayaa isla xisaabtanku wuu soconayaa, nina looga habran maayo hadday mur ka qadhaadhaato.”