Wasiirka Macdanta oo RAJO Wanaagsan ka Muujiyey Natiijada Sahaminta RAK GAS ka Wadday Dalka

0
399

Dubai (Dawan)- Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal ayaa shaaca ka qaaday in natiijo wanaagsan oo farxad gelisa shacabka Somaliland la saadaalinayo inay ka soo baxdo dhamaystirka natiijada sahamintii shirkada RAK GAS ka waday Gobolka Saaxil.

Wasiirka Macdanta Jaamac iyo wefdi uu hogaaminayey oo kulan kula qaatay Madaxda Shirkada RAK GAS xaruuntooda Imaaraadka Carabta shalay ayaa faahfaahin kaga bixiyey ujeedadiisa iyo natiijooyinkii ka soo baxay, waraysi Maxamuud Walaaleye, oo wargeyska Dawan ka tirsan kula yeeshay, waxaanu yidhi, “Shirku waxa uu ahaa mid aannu kaga wada hadleyney shaqada ay hayeen iyo qorshahooda wax qabadka mustaqbalka, iyo sidii loo dardargelin lahaa.”

Wasiirka macdanta iyo tamarta ayaa sheegay inuu arkay natiijadii sahamintii shirkada waday, isla markaana rajo aad ugu wanaagsan dadka iyo dalka Somaliland laga filayo, waxaanu yidhi, “Waxaanu u kuurgalnay natiijadii baadhitaanka sahamintii shidaalka RAK GAS ay ka wadeen Gobolka Saaxil, iyo sii dadar gelinta hawlaha hadhsan, iyo ogaanshaha in shidaal ganacsi geli kara ku jiro Somaliland. Natiijdu waxay muujinaysaa Rajo aad u wanaagsan oo aynu filayno inay Inna farxad geliso.”

Wasiirka macdanta iyo tamarta Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal waxa uu intaasi raaciyay “Dhinaca shuruucdii lagu maamulayey shidaalka, wasaaradu way diyaarisay, waxaanay horyaalaan Golaha Wakiiladda.” Ayuu sheegay, Wasiirka Macdantu, mar la weydiiyey inay diyaariyeen shuruucdii maamulka kheyraadka dalka ee Shidaalku ka mid ahaa.

Hadalka wasiirka macdanta iyo tamarta Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal ku sheegay in shirkada RAK GAS bilaabi doonto dhamaytirka natiijadii sahaminta ay wadeen iyo ogaanshaha in shidaal ganacsi geli kara ku jiro Somaliland sannadaha ugu horeeya ee muddo xileedka xukuumada, ayaa noqonaysa shirkadii labaad, halka hore shirkada GENEL Energy u shaacisay, oo qeyb ka noqonaya guulaha Wasaarada Macdanta iyo wasiir Jaamac ay gaadheen intii ay xilka hayeen, ayaa ku soo beegmay dhamaadka sannadkii koowaad ee xilka uu hayey Madaxweynaha Somalialnd Muuse Biixi Cabdi, isla markaana muujinaya waxqabadka iyo dedaalada xukuumadiisu ugu jirto horumarinta dadka iyo dalka Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply